Gareth Bale Ayaa Lagu Wadaa Inuu Ku Biiro Kooxda Siday Kooxda Man United Isku Dayeyso?

Gareth Bale Ayaa Lagu Wadaa Inuu Ku Biiro Kooxda Siday Kooxda Man United Isku Dayeyso?
Gareth Bale Ayaa Lagu Wadaa Inuu Ku Biiro Kooxda Siday Kooxda Man United Isku Dayeyso?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayi doonto in ay si xor ah kula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Wales ayaa kooxda Real Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022 ah laakiin Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay si xor ah isaga fasaxdo marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Gareth Bale ayaa ka baxay qorshaha Tababare Zinedine Zidane ee xilli ciyaareedkan waxana ay Real Madrid doonaysaa in ay iska dhinto musharkiisa badan marka la gaadho xagaaga.

Wargayska Sports ayaa sheegaya in ay Man United muddo la socotay xaalada xiddiga reer Wales waliba diyaar u tahay in ay xiddiga reer Wales dib ugu soo celiso Premier League dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Gareth Bale ayaa ka soo ciyaaray premier League isaga oo soo matalay kooxda Tottenham halkaasi oo uu wakhti fiican ku soo qaatay.

Bale ayaa dhaliyay 105 gool tartamada oo dhan intii uu joogay kooxda Real Madrid laakiin waxa uu kaliya 18 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.