Ganaaxii La Saaray Man City Oo Lugaha La Sii Galaya Kooxda Liverpool Waa Maxay Sababtu?

Ganaaxii La Saaray Man City Oo Lugaha La Sii Galaya Kooxda Liverpool Waa Maxay Sababtu?
Ganaaxii La Saaray Man City Oo Lugaha La Sii Galaya Kooxda Liverpool Waa Maxay Sababtu?

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa bilowday inay iska difaacdo ganaaxa laga saaray ciyaaraha Yurub muddo laba xili ciyaareed ah, waxaanay dooddeeda ku dartay in naadiga haysta horyaalka Premier League ee Liverpool ay jabsatay macluumaadkeeda oo ay u dhacday Koombiyuutaradeeda, halkaana ay kala baxday xog muhiim ah oo naadigu leeyahay.

City oo waxay sheegtay in Liverpool ay dabada ka riixday ganaaxa lagu soo rogay, isla markaana macluumaadkii ay ka xadday ay u adeegsatay sidii ay u horseedi lahaayeen in hoos loogu dhigo awooddeeda, laba sannadood na laga ganaaxo Champions League.

Wargeyska Sunday Mirror ayaa sheegay in Manchester City ay ku andacootay in Liverpool ay xog muhiim ah ka xadday sannadkii 2015 iyadoo adeegsanaysa arday lagu magacaabo Rui Pinto oo u dhashay waddanka Portugal oo hadda ku jira xabsi.

Pinto ayaa jabsaday Koombiyuutarada City, waxaana xogtii uu ka helay uu kusoo bandhigay Fadeexadda kubadda cagta ee caanka noqotay ee loogu magac daray Football Leaks, taaas oo lagu daabacay wargeys kasoo baxa Jarmalka.

Doodda cusub ee Manchester City ayaa waxay tahay in Liverpool ay shaqaalaysiisatay dad hore iyaga ugu shaqayn jiray oo si fiican ula socday arrimaha hoose ee naadiga, gaar ahaan dhinaca iibka, kuwaas oo horseeday khilaaf labada kooxood dhexdooda ah oo la xidhiidhay dhawrsoonaanta xogta oo xilli dambe lagu soo afjaray in Liverpool ay Manchester City siiso lacag dhan 1 milyan oo Gini oo magdhow ah.

Si kastaba, Manchester City waxay rafcaan u qaadatay maxkamadda CAS waxaanay shaqaalaysiisatay sharci-yaqaan u doodi doona oo maalintii ay siin doonto lacag dhan 20,000 Gini.

David Pannick oo laba jeer ku guuleystay dacwad uu ka keenay mashruuca Brexit ee Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub, isla markaana ka hor joogsaday Theresa May in laba sannadood ka hor ay dalkaas ka saarto Yurub iyadoon ogolaansho ka helin barlamaanka Britain iyo marka labaad oo ahayd in Boris Johnson uu ku garaacay kiiskii maxkamadda markii uu kala diray Baarlamaanka bishii September.

Waxa David Pannick  la shaqayn doona rag kale oo khubaro sharci ah oo ka socda shirkadaha Freshfields, Bruckhaus Deringer, Pinsent Masons iyo Monkton Chambers.