Gabriel Jesus Muku Soo Biiri Doonaa Kooxda Juventus Oo Maka Iman Doonaa Kooxda Man City?

Gabriel Jesus Muku Soo Biiri Doonaa Kooxda Juventus Oo Maka Iman Doonaa Kooxda Man City?
Gabriel Jesus Maku Soo Biiri Doonaa Kooxda Juventus Oo Maka Iman Doonaa Kooxda Man City?

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa culays kusoo kordhay kaddib markii uu weeraryahankeeda Gabriel Jesus kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee Juventus ee xili ciyaareedkan.

Sida ay ku warrameen warbaahinta Talyaanigu, 23 jirka reer Brazil ayaa ay Juventus wax walba oo ay ku heli karayso ay samayn doontaa xagaaga soo aaddan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoygu, markaas oo ay suurtogal tahay in City ay gasho xaalad adag oo ka dhalatay ganaaxii UEFA ay ka saartay Champions League labada xili ciyaareed ee soo socota, xilligaas oo maxkamadda CAS ay shaacin doonto go’aanka rafcaankii ay City qaadatay.

Gabriel Jesus oo Manchester City ay 27 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda Palmeiras ee ka d hisan Brazil, ayaa dhaliyey 63 gool 139 gool oo dhamaan tartamada ah oo uu ciyaaray, laakiin joogitaanka xiddiga reer Argentine ee Sergio Aguero ayaa u diiday inuu helo boos joogto ah oo uu kusoo bandhigo hibadiisa rasmiga ah.

Wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga ayaa daabacay in uu Jesus yahay bartilmaameedka rasmiga ah ee Juventus ee xagaaga, taasina waxay walaac ku abuuraysaa tababare Pep Guardiola oo sidoo kale ka baqaya inuu lumiyo weeraryahanka Sergio Aguero oo la tuhunsan yahay inuu doonayo inuu ka tago Etihad.

Dhinaca kale, Man City ayaa lumin karta ciyaartooyo kale oo muhiim ah sida Kevin de Bruyne haddii uu ganaaxu ku hirgalo, taasina waxay keeni doontaa in tayadii kooxdu hoos u dhacdo.