Frank Zollner Ayaa Klopp Ka Sheegay Astaamahan, Maxay Yihiin Hadaba Astaamahaasi?

Frank Zollner Ayaa Klopp Ka Sheegay Astaamahan, Maxay Yihiin Hadaba Astaamahaasi?
Frank Zollner Ayaa Klopp Ka Sheegay Astaamahan, Maxay Yihiin Hadaba Astaamahaasi?

Astaamaha kala duwan ee Jurgen Klopp waxaa daaha ka qaaday nin ay wada shaqeyn jireen oo ku tilmaamay maamulaha Liverpool inuu yahay nin waalan isla markaana ah isla-weyne.

Hadaladaasi waa ereyadii dhakhtarkii hore ee Borussia Dortmund Frank Zollner, oo joogay kooxda Bundesliga 17 sano isla markaana Klopp kala soo shaqeeyay Signal Iduna Park.

Klopp ayaa wixii intaa ka dambeeyay Liverpool u horseeday hanashada horyaalnimada Champions League ka hor intuusan dhicin coronavirus, wuxuu qarka u saaran yahay inuu hanashada horyaalkii ugu horreeyay ee Reds muddo 30 sano ah.

Isagoo ka jawaabaya waxyaabihii uu kala soo kulmay Klopp, Zollner wuxuu dib u xasuustey nin dabeecaddiisa is badalay “Waa nin qaas ah” Zollner ayaa u sheegay Goal iyo SPOX.

Waxaanu sidoo kale hadalkiisa raaciyey “Waxaa jiray maalmo aad u badan oo aad u maleyn laheyd nin weyn Laakiin mararka qaarkood waxaad ku fikiri laheyd Waa maxay isla weynaantaas.

“Halmar Jakub Blaszczykowski ayaa i soo wacay markii uu ka soo laabanayay xulka qaranka Poland Wuxuu sheegay inuusan tababar sameyn karin dhaawac muruqa ah laakiin uu weli imaan doono kulanka kooxda.

Ka hor kulanka waxaan u tagay Klopp anigoo Kuba [Blaszczykowski] una sheegay waxa socda Ka dib si waalan ayuu u waashay malaha maxaa yeelay wuxuu uun wax ka bartay dhaawaca Kuba isla waqtigaasi.

“Zeljko Buvac kaaliyihii hore Klopp wuxuu badanaa kasoo muuqan lahaa xilliyadahan oo kale wuxuuna odhanayaa Klopp sigaar cab oo is deji si aad u raali galiso markii qaabkii uu ula dhaqmay qof aad u badnaa”