Frank Lampard Muxuu Ka Yidhi Adeega VAR Iyo Sidoo Kale Wixii Uu Sameeyey Harry Maguire?

Frank Lampard Muxuu Ka Yidhi Adeega VAR Iyo Sidoo Kale Wixii Uu Sameeyey Harry Maguire?
Frank Lampard Muxuu Ka Yidhi Adeega VAR Iyo Sidoo Kale Wixii Uu Sameeyey Harry Maguire?

Harry Maguire ayaa dhaliyay goolka labaad ee Man United kulankii ay xalay galbeedka London uga soo badiyeen Chelsea, waana kan adkeeyay hogaanka kooxda martida ah oo aad ugu soo dhawaatay kaalinta 4-aad.

Frank Lampar aad ayuu kaga carooday go’aanadii uu qaatay garsoroe Anthony Taylor kaas oo aan xitaa adeegsan aaladda VAR markii ay dhacdooyinka qaar ciyaarta ka dhaceen.

Maguire wuxuu dhaliyay goolkiii labaad ee kooxdiisa, waana markii ugu horreysay oo ay Red Devils hal xilli ciyaareed laba guul ka hesho kulamada horyaalka dhigeeda Blues tan iyo 19887/88, balse macalinka reer England wuxuu ka xumaaday in Maguire uu garoonka baaqi kusii noqdo kadib qaladkii uu ka galay Michy Batshuayi.

Garsoore Anthony Taylor ayaan u dhaqaaqin inuu hubiyo wixii ka dhacay garoonka daqiiqadii 21-aad markii Michy Batshuayi laga galay qaladka xilli Harry uu halis galiyay xiddiga reer Belgium.

“Waxey aheyd in Maguire uu casaan qaato, wuxuu dhaliyay goolka labaad, waana waxa ugu muhiimsan ee VAR loo keenay halkaan, hadii aadan dooneynin inaad aado dhalada, sidaas darteed ma dooneysid inaad wax aragto” ayuu yidhi Frank Lampard.

“Marka hubinta VAR ay socoto waa inaad sugto, isla markaana aaminto go’aanka saxda ah, kaliya wuxuu ahaa go’aan qaldan, waxeyna ila tahay iney ka adag tahay sidii aan u maleyn jiray maadaama ay VAR taalo garoonka”

Dhanka kale Frank Lampard wuxuu u arkaa wax daciif ah in la diido goolkii Kurt Zouma kadib  markii Cesar Azpilicueta uu waxyar taabtay Brandon Williams.