Home LA LIGA

Frank Lampard Macalinka Kooxda Chelsea Ayaa Waaxdiisa Iibka Kooxda u Diray Inay Barcelona Ka Soo Kaxeeyaan Xidiga Xoojin Doona Khadka Difaaca?

Frank Lampard Macalinka Kooxda Chelsea Ayaa Waaxdiisa Iibka Kooxda u Diray Inay Barcelona Ka Soo Kaxeeyaan Xidiga Xoojin Doona Khadka Difaaca?
Kooxdiisii Ayuu Ku Ciil Baxay Markii La Bilaabay Mushahar Jarida Kooxda Barcelona Waa Kuma Hadaba Ciyaartoygaasi?

Chelsea waxay doonaysaa daafac cusub!

Chelsea ayaa si buuxda u calaamadsatay xiddiga bartilmaameedka u noqon doona xagaaga soo socda ee ay ku xoojin doonaan khadka difaaca, waxaana kalsoonida ugu dambaysa siiyey tababare Frank Lampard oo waaxdiisa iibka u diray inay Barcelona kasoo kaxeeyaan laacibkan.

Chelsea ayaa u baahan inay iska xoojiso dhawr meelood khadka difaaca, dhexda iyo weerarkaba ah, hase yeeshee tababare Lampard waxa uu hadda Lampard shaambadda ogolaanshaha ku dhuftay saxeexa laacib ka tirsan Barcelona oo la rumaysan yahay in kooxda reer Spain ay iibin karayso haddii ay ku hesho lacag fiican.

Blues oo sidoo kale lala xidhiidhinayo difaaca kooxda Lille ee  Gabriel Magalhaes, ayaa waxay rabtaa laacib tayo iyo khibrad badan leh oo ka garab ciyaara Kurt Zouma ama Andreas Christensen iyadoo Fikayo Tomori amaah lagu bixin doono si uu usoo helo waqti fiican oo uu xirfaddiisa ku dhiso.

Xiddiga ay calaamadsatay ee ka tirsan Barcelona ayaa ah difaaca reer France ee Samuel Umtiti oo ah shaqsiga buuxiya boosaska Gerard Pique ama Lenglet marka midkood uu dhaawacmo ama ganaax lagu rido.

Chelsea: Lampard wants to hijack inevitable Barcelona transfer

Umtiti oo booskiisa joogtada ah lumiyey markii ay dhaawacyo soo noqnoqday haleeleen, waxa hore dalabyo ugu diray Manchester United iyo Arsenal oo marka horeba dagaal ugu jiray, waxaana loollankaas cirka kusii shareeraysa calmashada Frank Lampard.

26 jirkan oo qayb ka ahaa xulkii qaranka France ee sannadkii 2018 ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa qiimihiisa lagu sheegay ilaa £45 milyan oo Gini, waxaase loo badinayaa in isbeddel weyn ku dhici doono qiimahaas maadaama dhaqaalaha kooxaha uu la degay xanuunka Coronvirus oo aanay ciyaartoygu sannadkan qiimeyaashii badnaa yeelan doonin.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo Umtiti si lacagta ay ka hesho ay qayb uga noqoto lacagta ay ku raadin doonto ciyaartooyo ay isku xoojiso xagaaga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Lautaro Martinez ama Aubameyang.