Home LA LIGA

Filipe Luis Ayaa Sheegay In Aanu Waligii Dalban In Messi Kala Badashaan Funaanada Marka Ay Ciyaaruhu Dhamaadaan Ee Waliba Iska Horyimaadaan?

Filipe Luis Ayaa Sheegay In Aanu Waligii Dalban In Messi Kala Badashaan Funaanada Marka Ay Ciyaaruhu Dhamaadaan Ee Waliba Iska Horyimaadaan?

Laacibka reer Brazil ee Filipe Luis ayaa shaaciyey in aanu waligii ka dalbanin Lionel Messi inay kala beddeshaan funaanadda marka ay dhamaadaan ciyaarihii ay iska hor yimaaddeen kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.

Difaaca reer Brazil ayaa waqtigii uu joogay Deportivo La Coruna iyo Atletico Madrid waxay ciyaaro xamaasad badan iskaga hor yimaaddeen Lionel Messi, waligoodna lama arag iyaga oo kala beddelanaya funaanaddooda marka ay ciyaaruhu dhamaadaan.

Sidoo kale, waxay labadan laacib ku kulmeen ciyaaraha caalamiga ah iyaga oo kala metelaya labadooda waddan, waxaana Felipe uu sheegay in mar walba ay ka go’nayd inuu tartamo oo uu garoonka u yimaddo inuu guul helo, balse aanay ujeeddadiisu ahayn inuu funaanadda ka beddesho ciyaartoyda kasoo horjeedda.

Messi snub has cost Fifa awards their credibility, says Filipe ...

Felipe waxa uu sheegay inuu Messi wax ku dhufan jiray marka ay iska hor yimaaddaan si uu u joojiyo, waxaanu yidhi “Mar walba waxbaan ku dhufan jiray (Messi) si aan u joojiyo, waligiina ima soo abbaarin.

“In badan ayaan la dhacsanahay kubaddiisa, balse waligay maan weydiisanin shaahdkiisa, sababtoo ah waxaan u imaaddaa garoonka inaan guuleysto, maaha inaan idhaahdo waxaan la ciyaaray isaga.”

Felipe oo waqtigan ka tirsan kooxda Flamengo ee ka dhisan waddanka Brazil waxa uu sheegay in Messi uu yahay ciyaartoyda ugu fiican ee waqtigiisii uu arkay, waxaanu yidhi “Qof walba wuu ogyahay fikirka aan isaga ka qabo.

“Waxa kaliya ee ay tahay inaad samayso waa inaad ku faraxdo sababtoo ah ma garanayo sida sannado badan ama tobannaan sannadood ay inoo dhaafi doonaan iyadoo aanu inoosoo bixin ciyaartoy isaga oo kale ah.”