Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha Chelsea v Arsenal

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha Chelsea v Arsenal
Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha Chelsea v Arsenal

Chelsea iyo Arsenal ayaa madax is dari doona markii labaad wax ka yar hal caawa waxay taageerayaasha jecel kubada cagtu ku cawayn doonaan gegada Stamford Bridge halkaas oo ay ka jirto ciyaar xiiso iyo xamaasad gaar ah leh maadaamay ay tahay kulnaka london derby.

Kooxda Frank Lampard ee chelsea ayaa 2-1 ku garaacday garoonka Emirates Stadium dhigeeda Arsenal bishii Diseembar markii ugu dambeysay ee ay labadan kooxood ee London ka wda dhisani ay wada ciyaareen wakhtiga arsenal waxay u muuqdeen inay si dhab ah ugula wareegayaan booska Champions League chelsea laakin hada xaalku wuu is bedelay labada kooxdbana waxay ku jiraan wakhti adag hadaba sii darnaato xalaada arsenal.

Arsenal ayaan laga badin ilaa iyo bishii December, inkastoo ay laba oo barbaro 1-1 ah ku dhamaysteen labadii kulan ee u dambeeyey ee ay la ciyaareen Crystal Palace iyo Sheffield United, Stamford Bridge waxay is geynayaan iyagoo guul ka fikiraya, hadaba su’aashu waxay tahay.

Chelsea miyey sii adkaysan doontaa booseeda Champions League-ga, mise Arsenal ayaa ugu dambeyntii bilaabi doonta inay kor kacdo oo ay miiska kala sarreynta Premier League meel wanaagsan ka gaadho?.

Tartan: Horyaalka Premier League

Kulanka: Chelsea Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:30 Habeenimo (geeska africa)

Goobta: Stamford Bridge (chelsea)

Shantii kulan ee ugu dambeysay: Chelsea vs Arsenal

Arsenal 1-2 Chelsea (Premier League)

 Chelsea 4-1 Arsenal (Uefa Europa League Final)

 Arsenal 2-0 Chelsea (Premier League)

Chelsea 3-2 Arsenal (Premier League)

Arsenal 2-1 Chelsea (League Cup)

wararka Kooxda chelsea.

Dhaawac canqowga ah ee Reece James ayaa seejin kara kualankan laakiin chlsea ayaa sheegtay in tijaabo caafimaad oo xilli dambe ah la marin doono laacibka taas oo weli suurto gal ka dhigaysa inuu kulanka ka qayb qaato, Christian Pulisic iyo Marco van Ginkel ayaa ku jira miiska daaweynta, halka Marcos Alonso uu qarka u saaran yahay inuu ku soo laabto kooxda. Ruben Loftus-Cheek wali diyaar uma ahan inuu soo muuqdo.

Lampard ayaa laga yaabaa inuu doorbido inuu isbedel badan ku sameeyo line-upkiisa madaama kulamada wakhtiga u dhexeeyaa yar yahay, ciyaartooyda Mateo Kovacic iyo Ross Barkley ayaa laga yaabaa inuu midkood ku soo bilaabo ciyaarta.

wararka Kooxda Arsenal.

Sokratis ayaa seegay kulankii Arsenal ay barbaraha 1-1 la gashay Sheffield United laakiin Shkodran Mustafi ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay, sidaasi darteed Arteta ayaa laga yaabaa inuu daafaca dhexe iska garab ciyaarsiiy David Luiz iyo Mustafi


Hector Bellerin ayaan welika soo kabsan dhaawacuruqa ah halka Kieran Tierney uu weli dhaawac yahay Sead Kolasinac isna shaki uu ku jiro, taasoo la micno ah Ainsley Maitland-Niles iyo Bukayo Saka inay buuxin doonaan boosaska daafaca dambe.

Hector Bellerin ayaa weli ka soo kabsan dhaawac muruqa ah halka Kieran Tierney uu weli dhaawac yahay Sead Kolasinac isna shaki aya ku jira, taasoo la micno ah inay Ainsley Maitland-Niles iyo Bukayo Saka inay buuxin doonaan boosaska daafaca dambe (midig iyo bidix), Reiss Nelson ayaa dhaawacan, halka kabtanka Pierre-Emerick Aubameyang uu ku maqan yahay ganaax.

LINEUPKA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

ARSENAL: Leno; Maitland-Niles, Mustafi, Luiz, Saka; Guendouzi, Xhaka; Pepe, Ozil, Martinelli; Lacazette.

CHELSEA: Arrizabalaga; Azpilicueta, Rudiger, Zouma, Emerson; Jorginho, Barkley, Kovacic; Willian, Abraham, Hudson-Odoi.