Fadeexad Dul Hoganaysa Qaabkii Loo Qaybiyey Marti Galiyihii Koobka Aduunka 2018 Iyo Marti Galiyaha 2022?

Fadeexad Dul Hoganaysa Qaabkii Loo Qaybiyey Marti Galiyihii Koobka Aduunka 2018 Iyo Marti Galiyaha 2022?
Fadeexad Dul Hoganaysa Qaabkii Loo Qaybiyey Marti Galiyihii Koobka Aduunka 2018 Iyo Marti Galiyaha 2022?

Fadeexadda Musalsalka ah ee la xidhiidha martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee 2018 iyo 2022 ee Ruushka iyo Qatar ayaa mar kale halkeeda kasii socota, waxaana soo baxay sheekooyin kale oo caddaymahooda wata oo la xidhiidha arrintan oo hore u galaafatay Maaxweynihii hore ee FIFA ee Sepp Blatter, Madaxweynihii UEFA ee Michael Platini, Madaxdii xidhiidhada Latin America iyo kuwo kale oo badan oo xilalka laga qaaday, qaarkoodna jeelka loo taxaabay iyadoo lala wareegay hantidoodii.

Macluumaad cusub oo uu soo bandhigay xeer Ilaaliye Maraykan ah ayaa waxay muujinayaan in dawladda Qatar ay lacago badan ku bixisay si loo siiyo martigelinta Koobka Adduunka 2022.

Macluumaadkani waxay caddeeyeen in Ricardo Teixeira oo ahaa guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Brazil iyo xidhiidhka COMNEBOL ee hadda shaqada laga eryey ee Nicolas Leoz iyo shaqsiyaad kale ay heleen lacago uga yimid Qatar si ay codkooda u siiyaan.

Hore waxa loo ogaa in Madaxweynihii hore ee CONCACAF ee Jack Warner oo sidoo kalena ahaa madax-weyne ku-xigeenka FIFA uu Ruushka uga helay lacag dhan $5 milyan. Sidaas oo kale, Rafael Salguero oo ahaa madaxii hore ee xidhiidhka kubadda cagta Guatemala ayaa qirtay inuu ogolaaday inuu helo $1 milyan si uu Ruushka ugu codeeyo Koobkii Adduunka 2018.

Waxa kale oo ay fadeexado ka dhaceen bixinta xuquuqda baahinta, sida ay caddaysay waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, waxaanay kiiskan cusub uu faraqa lasoo galay shirkado Maraykan ah.

Fadeexaddan cusub oo Isniintii daaha laga fayday ayaa waxay dul hoganaysaa telefishanka FOX, gaar ahaan madaxdiisa Hernan Lopez iyo Carlos Martinez oo lagu eedeeyey inay lacago siiyeen saraakiil ka tirsan Madaxda Xidhiidhka Latin America ee CONMEBOL. Sidaas oo kale, madaxii hore ee Imagina Media Audiovisual, Gerard Romy iyo Madaxa suuq-geynta shirkadda Full Play Group SA ayaa iyaguna kiiskan ku lug leh.

Fadeexaddan musalsalka ah ee aan dhamaadka lahayn ayaa waxa kale oo la sheegay in kiisaskeeda caddaymo hor leh loo helay bishii dhowaanta dhamaatay ee March, laakiin lama hubo xilliga ay dhamaan doonto.

Si kastaba ha ahaatee, Qatar ayaa wadnaha farta ku haysa maadaama tartanka ay lacagta badan ku bixisay martigelintiisa ay wali saaran yihiin culaysyo sharci iyo fadeexado, xilli sidoo kale uu xanuunka Coronavirus saamayn ku yeelan karayo Koobkaas.