Fabio Cannavaro Oo Sameeyey Sanduuq Dhaqaale Lagula Dagaalamayo Xanuunka Coronavirus?

Fabio Cannavaro Oo Sameeyey Sanduuq Dhaqaale Lagula Dagaalamayo Xanuunka Coronavirus?
Fabio Cannavaro Oo Sameeyey Sanduuq Dhaqaale Lagula Dagaalamayo Xanuunka Coronavirus?

Xiddigihii xulka qaranka Talyaaniga u qaaday Koobkii Adduunka 2006 ayaa sameeyey sanduuq dhaqaale oo lagula dagaallamayo xanuunka Coronavirus ee dalkaas iyo dunida kaleba dhibaatada ku haya.

Kabtankii xulka qaranka Talyaaniga ee sannadkaas, Fabio Cannavaro ayaa shaaciyey inay soo bandhigayaan hindise ay ciyaartoygii guusha u horseeday Talyaanigu hormood u yihiin oo lagu ururinayo dhaqaale lagula dagaallamo xanuunka Coronavirus.

“Aniga, ciyaartoyadii kale ee aanu ku wada guuleysanay Koobka Adduunka 2006, waxa aanu mar kale iman doonaa fagaaraha si aanu u bilowno loollan cusub, waxaananu dhaqaale u ururinaynaa hay’adda bisha Cas ee Talyaaniga, si aanu waddankayaga uga caawino xaaladda degdegga ah ee coronavirus-ka” Ayuu  yidhi Cannavaro.

Halyeygan oo u warramay wargeyska Gazzetta dello Sport, ayaa waxa kale oo uu dadka dalkiisa ugu baaqay inay qayb ka qaataan qaadhaan-ururinta, si dhakhaatiirta garab looga siiyo inay helaan daawooyinka ay u baahan yihiin si ay bukaanka garab uga siiyaan xanuunkan faafaya.

Dhinaca kale, Alessandro Del Piro, ayaa sheegay in ciyaartooyo ay ka mid yihiin isaga, Francesco Totti, Fabio Cannavaro iyo Gianluigi Buffon ay bilaabeen inay dhaqaale gaadhaya ugu deeqaan Bisha Cas ee Talyaaniga.

Farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada oo ay ku xidhan yihiin 3.7 milyan ayuu ku sheegay in guud ahaan taageereyaashiisa iyo muwaadiniinta Talyaaniguba ay ka qayb-qaataan.

Si kastaba ha ahaatee, waddanka Talyaaniga, waxa uu xanuunkani ku dhacay in ka badan 25,000 qof, waxaana u geeriyooday 180 ruux.