Home LA LIGA

Fabian Ruiz Si uu u Yimaado Kooxda Real Madrid Waxay Kooxdu Samayn Doontaa Xidig Kooxdeeda Ka Tirsan Oo Ku Hulaala Kooxda?

Fabian Ruiz Si uu u Yimaado Kooxda Real Madrid Waxay Kooxdu Samayn Doontaa Xidig Kooxdeeda Ka Tirsan Oo Ku Hulaala Kooxda?
Fabian Ruiz Si uu u Yimaado Kooxda Real Madrid Waxay Kooxdu Samayn Doontaa Xidig Kooxdeeda Ka Tirsan Oo Ku Hulaala Kooxda?

Kooxda Real Madrid ayaa rajaynaysa in kooxda Napoli ay kala soo saxiixato xidiga khadka dhexe ee Fabian Ruiz laakiin Los Blancos ayaa helitaanka xidigan u huraysa mid kale oo kooxdeeda ka tirsan.

Dhinaca kale waxaa soo baxay war sheegaya in Napoli ay hoos u dhigtay qiimihii ay markii hore ku doonaysay adeega Fabian Ruiz iyada oo Manchester City u sheegtay qiimaha ay da’yarkan reer Spain ku heli karaan.

Fabian Ruiz ayaa isku soo muujiyay kooxda da’yarta xulka qaranka Spain iyo kooxda Napoli wuxuuna soo jiitay indhaha kooxaha kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City.

Laakiin Real Madrid ayaa doonaysa in ay  Lucas Vazquez ka dhigato halkii ay Napoli ugu qancin lahayd in ay ka iibiso Fabian Ruiz iyada oo doonaysa in heshiiskan uu qayb ka noqdo Vazguez kaas oo aan boos joogto ah ka haysan shaxda Zidane.

Sida lagu shaaciyay Bernabeu Digital ayaa lagu shaaciyay in Lucas Vazguez uu noqon doono sababtii ay Real Madrid kooxda Napoli ugu qancin lahayd in ay la wareegto Fabian Ruiz.

Heshiiska Lucas Vazguez ee Real Madrid ayaa dhacaya June 2021 taas oo la micno ah in hal sano oo kaliyi uu qandaraaskiisa ka hadhsanaan doono marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado bisha June.

War kale oo soo baxay ayaa sheegaya in Manchester City ay kooxda Napoli ka heshay warka sheegaya in ay xidigan ku iibsan karaan 50 milyan yuro iyada oo kooxda Guardiola ay doonayso in ay Real Madrid iyo Barca ka hor qaado saxiixa Fabian Ruiz.

Lucas Vazguez oo 28 sano jir ah ayaan xili ciyaareedkan wax badan ku soo kordhin kooxda Zidane maadaama oo uu inta badan kaydka ku jiray wuxuuna soo dhaliyay 3 gool iyo 2 gool caawin uu ku soo sameeyay 18 kulan oo uu Madrid u ciyaaray xili ciyaareedkan.

Laakiin waxay u muuqataa in dagaalka kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo Barcelona ee Fabian Ruiz uu sii xoogaystay iyada oo hadda Madrid iyo City ay u muuqdaan kooxaha sida tooska ah ugu dagaalamaya.