Faaqidaada kulanka xiisaha leh ee caawa dhexmari doona kooxaha Arsenal vs Sheffield United.

Faaqidaada kulanka xiisaha leh ee caawa dhexmari doona kooxaha Arsenal vs Sheffield United.
Faaqidaada kulanka xiisaha leh ee caawa dhexmari doona kooxaha Arsenal vs Sheffield United.
  • Tartanka: Horyaalka Premier League
  • Goobta: garoonka Emirates
  • Taariikh: Sabti, 18 Janawari:
  • 6:00 PM (Geeska africa)

Arsenal ayaa awdoodeeda oo dhan isugu gayn doonta siday guul u agaadhaan kulan madaamay ay 5tii kulan ee u dambeeyey ay laba guul oo keliya gaadheen.
Iskasta oo ay gunners qaab ciyaareed fiican soo ban dhigeen tan iyo markii uu Mikel arteta kooxda la wareegay hadana waxay guulaysteen laba kulan oo keliya.

Dhanka kale kooxda Sheffield United ayaa haatan ku jirta kaalinta 6aad ee kala sarreynta Premier League, waxayna afar dhibcood iyo afar boos oo ka sareeyaan Gunners ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen West Ham.

Hadaba su’aasha ay is waydiinayaan taageerayaasha kooxda arsenal ayaa ah mikel arteta
Arsenal ma ku soo celin karaa dariiqa guusha mise xaaladu waabay ka sii dari doontaa?

Su’aashaa jawaabteeda waxay ka dhex daalacan karnaa kulamadii hore u soo dhex maray labada
Kooxood, halkan soo ka akhriso.

Shantii kulan ee ugu dambeysay:

Arsenal vs Sheffield United.
Sheffield United 1-0 Arsenal (Premier League)
Arsenal 6-0 Sheffield United (League Cup)
Sheffield United 0-3 Arsenal (League Cup)
Sheffield United 1-0 Arsenal (Premier League)
Arsenal 3-0 Sheffield United (Premier League)

Isugeynta dhibcaha: Arsenal (LWWLW) waa 9 halka Sheffield United ay tahay (WLLWL) 6 dhibcood.

Wararka kooxda Arsenal.

Arsenal waxaa ka maqnaan doona kabtan Pierre-Emerick Aubemayang kulanka Sheffield United ka dib markii weeraryahanka reer Gabon casaan la siiyay kulankii Crystal Palace. Lucas Torreira, Calum Chambers iyo Kieran Tierney ayaa dhamaantood dhaawacan halka Hector Bellerin uu shaki ku jiro.

Saadaasha lineupka Arsenal:
Leno; Maitland-Niles, Luiz, Sokratis, Kolasinac; Xhaka, Guendouzi; Pepe, Ozil, Martinelli; Lacazette.

wararka Kooxda Sheffield United

sanadkan waa kuwo ka nabad galay dhaawacyada
Maadaama aanu weli ka dhaawacmin laacib ka mida kuwa safka hore,
Waxaanu ka ku jiraa inaanay kulankan diyaar ahayn labada laacib ee badanaaba kaydka fadhiya Simon Moore iyo Michael Verrips.