Eden Hazard Inuu Ka Tago Kooxdiisii Hore Chelsea Isla Markaana Ku Biiro Kooxda Real Madrid Waxaa Sababteeda Lahaa Maurizio Sarri?

Eden Hazard Inuu Ka Tago Kooxdiisii Hore Chelsea Isla Markaana Ku Biiro Kooxda Real Madrid Waxaa Sababteeda Lahaa Maurizio Sarri?
Eden Hazard Inuu Ka Tago Kooxdiisii Hore Chelsea Isla Markaana Ku Biiro Kooxda Real Madrid Waxaa Sababteeda Lahaa Maurizio Sarri?

Tababare Maurizio Sarri ayaa lagu eedeeyey inuu sabab u ahaa in xiddiga reer Beligum ee Eden Hazard oo xagaagii hore ku biiray Real Madrid ka dib markii uu iska diiday inuu kordhiyo qandaraaska uu kula jiray Blues oo hal sano ka hadhsanaa.

Real Madrid ayaa kula wareegtay Hazard 120 milyan oo Euro xilli ay Chelsea doonaysay inay sii haysato, hase yeeshee xiddigan ayaa sheegay inuu doonayo inuu rumeeyo riyadiisii ahayd inuu u ciyaaro Real Madrid, sidoo kalena ka hoos ciyaaro Zinedine Zidane oo uu ku dayan jiray yaraantiisii.

Chelsea oo aan wali helin beddelka Eden Hazard, waxa u raaci doona garabka reer Brazil ee Willian oo shaaciyey inuu si xor ah uga tegi doono dhamaadka xili ciyaareedkan marka uu dhamaado heshiiskiisu.

Halyeygii Talyaaniga iyo Chelsea ee Gianfranco Zola ayaa sheegay in falsafadda ciyaareed ee Maurizio Sarri uu Chelsea ka hirgeliyey muddadii uu joogay ay sababtay in Eden Hazard iyo Willian ay qaataan go’aamo mustaqbalkooda ah oo ay Stamford Bridge kaga baxayaan.

Zola waxa uu tilmaamay in labadan laacib oo muhiim u ahaa bandhig-ciyaareedka Blues ay in badan ku dhibaatoodeen sidii ay ula qabsan lahaayeen, ugu dambayntiina ay gaadheen go’aanka bixitaankooda.

Waraysi uu siiyey telefishanka beIN Sports ayuu ku yidhi: “Waxay ahaayeen ciyaartooyo maskax badan, sida Hazard iyo Willian. Waxay ahaayeen ciyaartooyo garanaya sida iskood ay ugu guuleysanayaan ciyaarta gudaheeda, laakiin waxay ku dhibaatoodeen qaabka loo ciyaarsiiyey iyo qaabka tababarka ay u samaynayaan, balse kuwa kale daruuri u ahaa.

“Haddii aan si daacad ah u hadlo, xariifiin ayay ahaayeen sababtoo ah, way ku caajiseen, laakiin haddana waxay sii wadeen shaqada, taasina waa sababta xilligii uu qof walba hoos u dhacay ay iyagana dhamaadkoodii u noqotay.”

Zola waxa kale oo uu sheegay in qaabka tababarka iyo falsafadda tababare Maurizio Sarri uu keenay in ciyaartoyda Chelsea ay bilowgii hore si fiican u ciyaareen, balse markii ay ciyaaruhu bateen, ay daaleen, caajisna galay.