Home Premier League

Dimitar Berbatov Ayaa Fikirkiisa Ka Dhiibtay Arimaha La Xidhiidha Horyaalka PL Ee Dhamaynta Xili Ciyaareedka Hakadka Galay?

Dimitar Berbatov Ayaa Fikirkiisa Ka Dhiibtay Arimaha La Xidhiidha Horyaalka PL Ee Dhamaynta Xili Ciyaareedka Hakadka Galay?
Dimitar Berbatov Ayaa Fikirkiisa Ka Dhiibtay Arimaha La Xidhiidha Horyaalka PL Ee Dhamaynta Xili Ciyaareedka Hakadka Galay?

Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa markiisa ka aragti dhiibtay arrimaha horyaalka Premier League iyo haddii ay tahay in Liverpool koobka loo gacan geliyo haddii xilli ciyaareedka la dhammayn waayo.

Reds ayaa kaliya laba guulood u baahnaa si ay horyaalka ugu guuleystaan balse haddiiba ay noqoto in xilli ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo ayay hal xilli ciyaareed oo kale ugu yaraan sugi doonaan.

Shaqsiyaadka qaar ayaa soo jeedinaya in xilli ciyaareedka la kansalaa inay tahay dookha kaliya ee furan haddiiba aan lasii wadi karin halka kuwo kale ay qabaan in Liverpool ay xilli horeba sii samaysay wax horyaalka lagu siin karo.

Berbatov ayaa la saftay aragtida ah in Liverpool horyaalka la siiyo isagoo meel iska saaray xifaaltankii kala soo dhaxayn jiray isla markaana si cad u sheegay inay yihiin kuwo u qalma.

Berba oo aragti daacadnimo leh dhiibanayay ayaa yidhi “Dhammaanteen waynu u xiisaynaa kubaddii cagta, Waxaan arkay in dad-yaw ay ka hadleen iyagoo weydiisanaya xal”

“Waxay joojiyeen horyaalkii Belgium halkaas oo kaliya hal kulan hadhsanaa, sidaas darteed waad fahmi kartaa go’aankaas, laakiin Premier League wali waxa jira sagaal kulan oo ay tahay in la ciyaaro”

“Dadku waxay soo jeedinayaan in koobka la siiyo Liverpool, daacad ahaantiina iyagu way u qalmaan marka loo eego qaabka ay u ciyaarayeen, qofna ma uusan gaadhayn iyaga, marka loo eego qaabka ay u ciyaaraan kulamadooda, ciyaarta ay soo bandhigeen iyo inta ay hoggaanka ku hayaan, si buuxda ayay horyaalka ugu qalmaan xilli ciyaareedkan”