Diiwaan Galin:- Dhacdii Uu Sameeyey Dhexdhexaadiye Ciyaareed Xili Ciyaartoygii Uu Garaacay Loo Dhigay Cisbitaal?

Diiwaan Galin:- Dhacdii Uu Sameeyey Dhexdhexaadiye Ciyaareed Xili Ciyaartoygii Uu Garaacay Loo Dhigay Cisbitaal?
Diiwaan Galin:- Dhacdii Uu Sameeyey Dhexdhexaadiye Ciyaareed Xili Ciyaartoygii Uu Garaacay Loo Dhigay Cisbitaal?

Waddanka Talyaaniga waxa laga diiwaangeliyey dhacdo layaab leh oo sababtay in dareenka dunidu kusoo jeedsado fadeexad gaadhay illaa ay warbaahintu iska xaadiriyaan cusbitaal al dhigay ciyaartoy uu waxyeello gaadhsiiyey garsoore dhexdhexaadinayey ciyaar.

Ciyaar ka tirsanayd horyaallada heerarka hoose ee waddanka Talyaanig oo dhex maraysay laba kooxood, ayaa waxa ka garnaqayey garsoore Antonio Martiniello , waxaanu ciyaarta oo socota kaadh cas u taagay goolhayaha kooxda Borgo Mogliano ee Matteo Ciccioli ciyaar ay usbuucan la lahaayeen naadiga Montottone oo ka dhacday Macerate.

Image result for Antonio Martiniello and Matteo Ciccioli

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee ANSA goolhaye Matteo Ciccioli ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay u tegay garsoore Antonio Marrtiniello, waxaanu ka dalbaday inuu u sharraxo kaadhkii casaa ee uu siiyey intii ay ciyaartu socotay, laakiin garsooraha ayaa wax layaab leh sameeyey, waxaanu halkii uu sharraxaad ka bixin lahaa amaba iskaga dhaqaaqi lahaa uu qaatay go’aa qaldan oo ah dagaal.

Antonio Martiniello ayaa hid/teesto ku dhuftay goolhaye Ciccioli, waxaana uu dhaawac ka gaadhay madaxa sida ay wakaaladda wararka ANSA sheegtay, waxaana markiiba loola cararay cusbitaalka oo lagu soo daaweeyey.

Dhacdadan layaabka leh ayaa waxa go’aan kasoo saaray maamulka ciyaaraha waddanka Talyaaniga, waxaanay ganaax kusoo rogeen garsoore Antonio Martiniello oo laga mamnuucay inuu soo galo meel ay ciyaaro ka socdaan ciyaaro illaa xili ciyaareedka dambe.

Image result for Antonio Martiniello and Matteo Ciccioli

Ganaaxa Antonio Martiniello  ayaa waxa uu dhigayaa in xili-ciyaareedkan socda iyo kan soo aaddan aanu midna wax shaqo ah qabannin, sidoo kalena aanu imanin garoon ama meelaha ay joogaan ciyaaryahannada saddexda heer ee sare ee waddankaasi.

Waxa kale oo laga xayidhay inuu daawado ama ku lug yeesho ciyaaraha xulka qaranka Talyaaniga.

Madaxa Booliska Macerata ayaa sheegay ay ka go’an tahay inay sidiisa u fuliyaan ganaaxa culus ee la saaray garsoore Antonio Martiniello, isla markaana ay tusaale uga dhigi doonaan jiilalka da’yarta si aanu falkaas oo kale u dhicin mar dambe.