Diego Carlos Oo Lala Barbar Dhigay Kalidou Koulibaly Malaga Yaabaa Inuu Yimaado Kooxda Liverpool?

Diego Carlos Oo Lala Barbar Dhigay Kalidou Koulibaly Malaga Yaabaa Inuu Yimaado Kooxda Liverpool?
Diego Carlos Oo Lala Barbar Dhigay Kalidou Koulibaly Malaga Yaabaa Inuu Yimaado Kooxda Liverpool?

Liverpool ayay wararku sheegayaan inay doonayso daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Diego Carlos kaas oo lala bar-bardhigay Kalidou Koulibaly oo ka tirsan kooxda Napoli isla markaana kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Carlos ayaa suuqa xagaaga ee soo socda bartilmaameed u ah Liverpool iyadoo uu tababare Jurgen Klopp aaminsan yahay inuu yahay ninka sida buuxda u dhammaystiri doona daafaca kooxdiisa haddii uu la mideeyo Virgil Van Dijk.

27 sano jirkan ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid waxaana uu si cad u shaaciyay inuu Sevilla kaliya ka tagi doono haddii uu ku biirayo koox weyn laakiin haatan waxa tartankiisa soo gashay kooxda difaacanaysa koobka horyaalada Yurub.

Haddaba, Khabiirka kubadda cagta Spain ee Domagoj Kostanjsak oo ka sheekeeyay Diego Carlos ayaa sheegay inuu kamid yahay saddexda ama afarta daafac ee xilli ciyaareedkan horyaalkaas ugu wanaagsan xog ahaan isagoo la bar-bardhigay Koulibaly.

Domagoj ayaa yidhi “Isagu dhab ahaantii waa ciyaartoy jidheed, waxa uu u dhisan yahay sida kaaraha sabab la’aana isaga uguma yeedhaan ‘midkii xooga weynaa’ isagu waa mid ku wanaagsan hawada (kubaddaha sarre) waana mid ku fiican kubad haysashada”

“Isagu waxa uu ahaa saddexda ama afarta daafac ee aniga ahaan ugu wanaagsan Spain xilli ciyaareedkan isagoo la midaysan Raphael Varane iyo Inigo Martinez, waxa uu ahaa mid waxyar layaab leh”

“Waxaan odhan lahaa isagu waa sida Koulibaly, malaha tayadiisa oo kale dabcan laakiin anigu isaga ayaan la bar-bardhigi lahaa”