Di Maria Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ugu Weyn Tahay Warqad Uga Timid Kooxda Real Madrid?

Di Maria Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ugu Weyn Tahay Warqad Uga Timid Kooxda Real Madrid?
Di Maria Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ugu Weyn Tahay Warqad Uga Timid Kooxda Real Madrid?

Sannadkii 2014, Angel di Maria oo ay ka sii muuqato farxadda finalkii Lisbon ee Real Madrid ay koobka Champions League kaga qaadday Atletico Madrid, ayaa waxa uu xulkiisa Argentine kala qayb-galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Brazil.

Di Maria oo finalkii Champions League ee bishii May, 2014 loo doortay xiddigii garoonka, waxa uu isku diyaariyey inuu ciyaaro kulankii Argentine vs Germany ee siddeed-dhamaadka, laakiin dhibaatada jirtay waxay ahayd in laacibkani uu qabay dhaawac muruqa ah oo kaliya ay isla ogaayeen isaga, tababaraha xulka iyo dhakhtarka xulka la socday.

Laacibkan waxa uu go’aan ku gaadhay inuu ciyaartaas dheelo, xattaa haddii ay tahay tii ugu dambaysay ee xirfaddiisu ku dhamaan lahayd, hase yeeshee, ka hor ciyaarta, waxa uu helay warqad ka timid Real Madrid oo loogu sheegayo sida uu tuhunsan yahay in aanu ciyaarin maadaama uu dhaawac yahay.

Real Madrid waxay ka walaacsanayd in haddii uu Di Maria ciyaaro isaga oo dhaawac ah, ay waxyeello weyn soo gaadhi doonto, balse laacibkani waxa uu ogaa in kooxda reer Spain ay go’aan ku gaadhay in marka uu Koobka Adduunka ka soo laabto ay iska iibiso.

Haddaba muxuu ka sameeyey Di Maria?

Xiddiga reer Argentine waxa uu ka sheekeey wixii markaas dhacay, waxaanu yidhi: “Saddexda qof ee kaliya ee runta ogaa waxay ahaayeen dhakhtar Daniel Martines, tababare Alejandro Sabella iyo aniga. Waxaan qabay dhaawac muruqa oo dillaacay ah kulankii Belgium, laakiin ilaa 90 boqolkiiba waan ciyaari karayay inkasta oo aanay lugtaydu dhamaanteed sax ahay, balse anigu waxaan rabay inaan ciyaaro, laakiin anigu dan kamaan lahayn xataa haddii aanan mar dambe dib u ciyaari doonin kubadda. Kaliya waxaan ka fikirayay inaan finalka Koobka Adduunka tagno.

“Waxa aan warqad ka helay Real Madrid, aniga oo og inay doonayaan inay i iibiyaan. Daniele ayaa ii sheegay inay ka timid Real Madrid, laakiin anigu xataa maan doonayn inaan arko, waanan jeex-jeexay.

“Waxaan u tegay Alejandaro, waxaanan u sheegay aniga oo ooyaya in aanan boqolkiiba boqol ahayn. Waan ogaa inuu i jecel yahay oo uu doonayay inaan ciyaaro, laakiin wuxuu eegay waxa u wanaagsan kooxda.

“Waxaan doonayey in irbad la igu mudo (xanuunka ka bi’isa). Waxaan doonayey inaan isku dayo, laakiin kulanka tababaraha kaddib, waxa uu go’aansaday inuu booskayga ka ciyaarsiiyo Enzo Perez.”

Angel di Maria xataa kaydka ciyaartaas laguma soo darin, waxaana 1-0 ku badiyey Jarmalka, halka uu Di Maria na laga iibiyey Manchester United xagaagii markii uu ka soo laabtay dalkiisa.