Home LA LIGA

Dhexdhexaadiyaasha Horyaalka La Liga Ayaa Noqday Kuwo Kala Taageera Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Hadaba Boqolkiiba Imisa Ayey Ka Yihiin?

Dhexdhexaadiyaasha Horyaalka La Liga Ayaa Noqday Kuwo Kala Taageera Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Hadaba Boqolkiiba Imisa Ayey Ka Yihiin?
Dhexdhexaadiyaasha Horyaalka La Liga Ayaa Noqday Kuwo Kala Taageera Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Hadaba Boqolkiiba Imisa Ayey Ka Yihiin?

Sheeko layaab leh ayuu shaaciyay garsoorihii horyaalka La Liga ee Eduardo Iturralde González  kaas oo si amakaag leh ugu dhawaaqay in boqolkiiba 90% ka mid ah garsoorayaasha La Liga ay taageerayaal u yihiin kooxda Real Madrid halka boqolkiiba 10% soo hadhay uu ku tilmaamay kuwo Barcelona taageera.

Hadalka dhul gariirka noqday ee garsoore hore Eduardo Iturralde González  uu shaaciyay ayaa ku soo beegmaya hal todobaad kadib markii uu garsooraha Ingiriiska ah ee Mark Clattenburg uu shaaciyay in uu cadaalad daro u sameeyay Real Madrid finalkii Champions league ee 2016 kii.

Eduardo Iturralde González ayaa qirtay in isagu uu ahaa taageere kooxda Athletic Bilbao ah laakiin waxa uu hadda shaaciyay tobankii garsoore ee horyaalka La Liga ah ay sagaal ka mid ahi taageeraan kooxda Real Madrid.

Eduardo Iturralde González waxa uu soo maamulay 291 kulan oo horyaalka La Liga ah waxayna sheekadan uu soo bandhigay fadeexadii abid ugu waynayd ku tahay maamulka horyaalka La Liga iyo kooxda Real Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa dhawaan ka jawaabtay markii uu garsooraha Ingiriiska ah ee Mark Clattenburg uu shaaciyay in go’aan cadaalad daro ah uu sanadkii 2016 kii uu Real Madrid u ogolaaday gool aan sharci noqdeen, laakiin xaalada ayaa heer kale gaadhay.

Garsoorihii La Liga ee Eduardo Iturralde González oo waraysi siiyay Cadena Ser isla markaana lagu daabacay wargayska Mundo Deportivo waxa uu taageeronimada garsoorayaasha La Liga ku tilmamay kuwo boqolkiiba 90% ay Real Marid taageeraan.

Markii garsoore hore Eduardo Iturralde González la waydiiyay in uu boqolay ku qiimeeyo taageerayaasha horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona waxa uu ku jawaabay: “Waa boqolkiiba 90% (Real Madrid) ilaa boqolkiiba 10%(Barca)”.

Garsoore hore Eduardo Iturralde González ayaa qirtay in uu isagu nasiib ku lahaa in uu taageere u ahaa kooxda isla horyaalka La Liga ee Athletic Bilbao wuxuuna yidhi: “Anigu nasiib ayaan leeyahay in aan ka imid Bilbao isla markaana ay dadka halkan ugu badani taageeraan Athletic Club, inta soo hadhay Spain taageerayaasha ugu badani waa midkood Barcelona ama Real Madrid, sababtoo ah waa kooxaha markastaba guulaysta”.

Eduardo Iturralde González oo ka hadlaya taageeronimada garsoorayaasha horyaalka La Liga ayaa yidhi: “Intooda ugu badani waa taageerayaal Real Madrid ah, laakiin taas micnaheedu ma aha in ayna ahayn xirfadlayaal marka ay kulamada dhex dhexaadinayaan”.

Sanadkii 2014 kii waxa uu garsoore Eduardo Iturralde González sheegay in garsoorayaashu ayna ka iman meeraha Mars oo ay yihiin kuwo kubbada jecel oo kooxo taageere u ah laakiin sida uu hadda u shaaciyay qaabka waalida ah ee ay kooxaha u kala taageeraan ayuuna waqtigaas sheegin.

Hadalkii Eduardo Iturralde González ee sanadkii 2014kii uu u sheegay March TV iyo hadalka uu waqtiga soo bandhigay ayaa is xaqiijinaya wuxuuna markaas yidhi: “Garsoorayaashu kamay iman Mars, waxay noqdeen garsoorayaal, sababtoo ah waxay jecel yihiin kubbada cagta, haddii aad jeceshahay kubbada cagta koox ayaad taageeraysaa”.

Laakiin ceebta ugu wayni waxay tahay sababta uu maamulka horyaalka La Liga u ogolaaday in tobankii garsoore ee kastaba ay sagaal ka mid ahi taageeraan Real Madrid iyada oo inta soo hadhay ay Barca taageeraan taas oo cadaalad darada ugu wayni ay ku tahay kooxaha kale.

Marka sheekadan la barbar dhigo qaabka maamulka Premier league garsoorka u eegaan ayaa ah mid gabi ahaanba kala duwan iyada oo sharciga Premier league uu yahay in marka horeba garsooraha la sii ogaado kooxda uu taageero isla markaana aanu dhex dhexaadin karin kulan ay ciyaarayso kooxda uu taageeraa.