Deg Deg:- Macalinkii Hore Kooxda Heegan Oo Loo Magacaabay Kooxda Saxafi Ee Heerka Labaad?

Deg Deg:- Macalinkii Hore Kooxda Heegan Oo Loo Magacaabay Kooxda Saxafi Ee Heerka Labaad?
Rasmi:- Waxaa Lagu Dhawaaqay Isku Beega Tartanka Dhalinta Cuslaatay?

Macalinkii Hore Kooxda Heegan Oo Ka Mida Kooxaha Heerka Koowaad Ayaa Loo Magacaabay Kooxda Saxafi Fc Oo Iyaduna Ka Mida Kooxaha Heerka Labaad Ee Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya.

Cismaan Aayarta Ayaa Kooxda Heegan Hogaamin Jiray Tartankii Generaal Daa’uud Sanadkii Soo Dhamaaday Ee 2019 Tirsiga Miilaadiga Waxaana Uu Noqday Macalin Aan Nasiib u Yeelan Inuu Sii Layliyo Horyaalka Heerka Koowaad Waxaana Lagu Badalay Macalin Mahad Meykon Ka Dib Markii Aan Kooxda Heegan Sooba Bandhigin Bandhig Aan Loo Bogin.

Macalin Cismaan Aayarta.

Tababare Cismaan Aayarta Ayaa Kooxda Heegan Kula Guulaystay Wakhtigii uu Ciyaarrtoyga Ka Ahaa Hal Xili Ciyaareed Waana Xili Ciyaareedkii 2014-15 Ee Tirsiga Miilaadiga Isagoo Kooxda Kaga Soo Biiray Kooxdii S.I.T.T Saalo Sanadkii 2009 Tirsiga Miilaadiga Isagoo La Soo Qaatay Wakhti Fiican Kooxda Ciidanka Ee Heegan.

“Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay Inaan Leyliyo Kooxda Saxafi Waxaan Rajaynaa Inaan Meel Wanaagsan Gaarsiiyo” Ayuu Macalin Cismaan Aayarta u Sheegay Warbaahinta Maxaliga ah.

Tababare Cismaan Aayarta Ayaa Taniyo Intii Loo Magacaabay Kooxda Saxafi Fc Wuxuu Shalay Layliyey Kooxda Waxaana uu Ku Bilowday Guul Xili Kooxdiisu Ay 3-1 Uga Soo Badisay Kooxda Jamhuuriya Oo Ay Wada Ciyaareen Tartanka Horyaalka Heerka Labaad Ee Dalka Soomaaliya.

16-Jamadul Thaani-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.