Home Serie A

Deg Deg:- Horyaalkii Serie A Wadanka Taliyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah Loo Joojiyey Taasi Oo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?

Deg Deg:- Horyaalkii Serie A Wadanka Taliyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah Loo Joojiyey Taasi Oo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?
Deg Deg:- Horyaalkii Serie A Wadanka Taliyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah Loo Joojiyey Taasi Oo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?

Waddanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan waddanka ay mamnuuc ka yihiin in lagu qabto wax ciyaaro ah, sida horyaalka Serie A iyo kubbadaha kala duwan.

Go’aan ay soo saareen Guddida Olambikada Talyaaniga ee magaciisa loo soo gaabiyo CONI ayaa lagu sheegay in dhamaan dalkaas aan laga ciyaari doonin in muddo ah si loo xakameeyo xanuunka sida weyn ugu faafaya ee Coronavirus oo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey la xaqiijiyey inuu ku dhacay dad tiradoodu ku dhow dahay 1300 qof, kuwaasi oo ku kala nool gobollada dalka.

Tirada guud ee xanuunkani ku dhacay ee dalka Talyaaniga ku nool ayaa maraysa 7,375 qof, waxaana u geeriyooday 366 qof, waxaanay taasi keentay in gebi ahaanba la joojiyo ciyaaraha dalkaas.

Laba toddobaad oo hore ayaa kulamadii ka dhici lahaa afar gobol oo Talyaaniga ah la joojiyey, laakiin shalay ayaa dib loo bilaabay in lagu ciyaaro garoomo albaabadu u xidhan yihiin, kuwaas oo ahaa kulamadii baaqday usbuucii ugu horreeyey.

Ciyaartooyada iyo dadka kale ee saamaynta ku leh dalkaas ayay qaarkood soo jeediyeen in ciyaaruhu aanay ka wanaagsanayn caafimaadka bulshada, haddii garoomada laga joojiyo dadkana aanay ka dhignayn in ciyaartooyadu ay badqab ka yihiin.

Mario Balotteli oo ka mid ah ciyaartoyga joojinta dalbaday, ayaa waxa uu sheegay in haddii garoomo madhan lagu ciyaaro ay haddana ciyaaryahannadu gelayaan safarro diyaaradeed, basas la raaco, tareeno iyo hotello wax laga cuno, lana seexdo, intaas oo dhanna galaangal lagula samaynayo dad kale oo ay suurtogal tahay inay ciyaaryahannada usoo gudbiyaan xanuunkan.

Madaxweynaha Guddida Olambikada Talyaaniga (CONI), Giovanni Malago ayaa shaaciyey go’aan kasoo baxay shir guddidoodu ay ku yeesheen magaalada Rome, kaas oo ah in dhamaan ciyaaraha kala duwan ay mamnuuc yihiin ilaa laga gaadhayo April 3.

Giovanni Malago oo la weydiiyey waxa ay ka yeelayaan ciyaaraha UEFA ay maamusho ee Champions League iyo Europa League ee kooxaha Talyaanigu ay martigelinayaa, ayaa waxa uu sheegay in guddidoodu aanay go’aan ka gaadhin kuwaas.

Si kastaba ha ahaatee, xanuunka Coronavirus ayaa waxa kale oo uu farobaas ku hayaa waddanka Faransiiska oo uu dad badan ku dhacay, qaar kalena u dhinteen, waxaana la fasaxay jaamacadihii, iskuulladii iyo kulanka PSG vs Borussia Dortmund ee Arbacada oo garoonka Parc des Prince oo madhan ay ku ciyaari doonaan.