Dayot Upamecano Ayaa Waxaa Ku Tartamaya Kooxaha Arsenal, Real Madrid Iyo Man United?

Dayot Upamecano Ayaa Waxaa Ku Tartamaya Kooxaha Arsenal, Real Madrid Iyo Man United?

Kooxaha kala ah Manchester United, Arsenal iyo Real Madrid ayaa la kulmay dhirbaaxo dhinaca suuqa kala iibsiga ah xilli la soo sheegayo in daafaca dhexe ee kooxda Red Bull Leipzig ee Dayot Upamecano uu koox kale heshiis la gaadhay.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa si weyn loo filayaa inuu Leipzig ka dhaqaajin doono dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo ay kooxdaas qudheedu doonayso inay iska iibiso halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe.

Kooxda ugu cad cad ee loo arkayay midka booska wanaagsan u joogta saxeexa Upamecano ayaa ahayd Arsenal oo uu horkacayo tababare Mikel Arteta maadaama oo Gunners ay mudo dheer la dhacsanaayeen da’yarkan.

Dhinaca kale Manchester United qudheeda ayaa ka dhigatay bar-tilmaameed kooxdeeda muhiim u ah xagaaga xilli tababare Ole Gunnar Solskjaer uu raadinayo daafac uu lamaane kaga dhigo kabtankiisa Harry Maguire.

Si kasta oo ay ahaataba, wargeyska Bild ee Germany kasoo baxa ayaa shaaciyay in kooxda ku guuleysatay tartankii Upamecano ay tahay Bayern Munich iyadoo uu ciyaaryahanku heshiis la meel dhigay kooxdaas,

Warbixinta ayaa sheegaysa inaan wali wax lacag ah aysan isku raacin Bayern iyo Leipzig xilli ay kooxdiisu doonayso inay ku iibiso lacagta 52-ka Milyan ee euro ah ee heshiiskiisa lagu bur-burin karo.

Marka laga eego dhinaca saamaynta xun ee uu dhaqaalaha dunida iyo kooxaha kubadda cagtaba ku yeeshay xanuunka Coronavirus, Bayern ayaan filanayn inay bixiso dhammaan lacagtaas heshiiskiisa ku xidhan.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxa kooxda Leipzig ee Oliver Mintzlaff uu wacad ku maray inaysan ciyaartoyna qiimihiisa wax ka hooseeya ku iibin doonin.

Upamecano ayaa sanadkii 2017 kaga soo biiray Leipzig dhinaca Salzburg isagoo tan iyo wakhtigaas muhiim u noqday kooxdiisa, Upamecano ayaa sanadkii 2015 ku biiri karayay dhinaca Man United kaddib markii uu booqday xerada tababarka kooxdaas ee Carrington.