Da’yarkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Oo Lagu Dhawaaqay Hadaba Yaa Helay?

Da’yarkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Oo Lagu Dhawaaqay Hadaba Yaa Helay?
Da'yarkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Oo Lagu Dhawaaqay Hadaba Yaa Helay?

Xiddiga West Ham United ee Jack Wilshere ayaa magacaabay laacibka ugu wanaagsan horyaalka Premier League ee da’yarta ah, kaas oo uu usoo xushay kubbad-sameeyaha ay isku naadiga yihiin ee Declan Rice.

Rice ayaa xili ciyaareedkiisii saddexaad ka ciyaaraya Premier League ayaa muujiyey qaab ciyaareed cajiib ah oo soo jiitay koioxaha waaweyn iyadoo ay isha ku hayaan naadiyo badan oo ay qaarkood ka dhisan yihiin magaalada London.

Chelsea ayaa la sheegay in 21 jirkan ay xiisaynayso iyadoo uu France Lampard ka helay qaab ciyaareedkiisa oo uu doonayo inuu ku kordhiyo xiddigaha da’da yar ee uu ku ururiyey Stamford Bridge.

Ka hor intii aanu noqonin ciyaartoy fiican ee aan lagu darin xulka qaranka England, Rice waxa uu kasoo baxay kulliyadda Chelsea oo ay kasoo qaadatay West Ham, waxaanay xidhiidh fiican leeyihiin ciyaartooyo uu ka mid yahay Mason Mount oo ku qalqalaalinaya inuu ku laabto kooxdiisa hore.

Jac Wilshere oo ay khadka dhexe uga wada ciyaaraan West Ham, ayaa Rice ku tilmaamay ciyaartoyga da’yarta Premier League ka ciyaarta ugu fiican, waxaanu yidhi: “Waad garanaysaan in Premier League ay joogaan ciyaartooyo badan oo da’yar wanaagsan ah. Laakiin anigu mid ayaan maalin walba arkaa oo aan la ciyaaraa, waanaa Declan Rice.

“Waa laacib aan la malaysan oo lugta bidix iyo lugta midigba ku dheela, Waan ku jecelahay, Dec.”

Inkasta oo uu Wilshere aaminsan yahay in Rice ugu fiican yaahay da’yarta, haddana waxa jooga Rashford, Mason Greenwood, Tammy Abraham, Mason Mount, Gabriel iyo ciyaartooyo kale oo qof walba uu qiimayntooda dhinac ka istaago, laguna kala duwan yahay midka wanaagsan.