Darren Bent Ayaa Sheegay In Kooxda Man City Ku Guulaysan Doonto Horyaalka PL Ee Soo Socda Iyadoo Liverpool Gali Doonto Kaalinta Sadexaad?

Darren Bent Ayaa Sheegay In Kooxda Man City Ku Guulaysan Doonto Horyaalka PL Ee Soo Socda Iyadoo Liverpool Gali Doonto Kaalinta Sadexaad?
Darren Bent Ayaa Sheegay In Kooxda Man City Ku Guulaysan Doonto Horyaalka PL Ee Soo Socda Iyadoo Liverpool Gali Doonto Kaalinta Sadexaad?

Xiddigii hore ee kooxda Tottenham iyo xulka qaranka England ee Darren Bent ayaa sameeyay saadaashiisa kaalmaha ugu sarreeya ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2020-21 xilli uu waji gabax ku riday kooxda koobka difaacanaysa ee Liverpool.

Liverpool ayaa kusoo guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore iyagoo soo jabiyay rekoodho dhawr ah isla markaana qaab xarrago leh usoo hantay horyaalkoodii ugu horreeyay mudo 30 sano ah.

Haatan, Darren Bent ayaa aaminsan in Reds ay xataa kaalinta labaad waayi doonaan xilli ciyaareedka cusub isaga oo u sababeeyay inaysan wax dhaq-dhaqaaq ah ka samaynin suuqa xagaaga oo ilaa hadda furan.

Bent ayaa aaminsan in Manchester City ay horyaalkeedii saddexaad afar xilli ciyaareed gudaheed ku guuleysan doonto halka uu booska labaad u rajeeyay Chelsea oo gudaha suuqan wacdarihii ugu weynaa ka dhigtay lana wareegtay lix ciyaaryahan oo waaweyn.

Darren Bent oo u warramayay TalkSPORT ayaa yidhi “Haa, Manchester City (ayaa ku guuleysan doonta). waxaan filayaa inay markale xoojin doonaan, sidaas darteed waxaan filayaa inay yihiin kooxda ugu wanaagsan”

“Waxaan filayaa Chelsea, marka loo eego dhammaan ciyaaryahanada cusub ee ay keeneen, waxaan filayaa inay raadin doonaan qaab ay horyaalka ugu guuleystaan, sidaas darteed waxaan aaminsanahay inay labaad ku dhammaysan doonaan”

“Liverpool in ku filan isma soo xoojin ciyaartoydeeduna aniga waxay iila muuqdaan kuwo daalan, waxaan ilaa haatan iyaga ka arkay, waxaan filayaa inay saddexaad ku dhammaysan doonaan”

Reds ayaa ilaa hadda suuqa ka sameeyay saxeexa daafaca bidix ee Kostas Tsimikas kaas oo aan toos usoo geli doonin shaxda isla markaana kaabis u noqon doona Andrew Robertson.