Dani Ceballos Oo Shaaciyey Sheeko Cusub Oo La Xidhiidha Kooxdiisa Iyo Qaabka Xanuunka Coronavirus Ugu Yeeshay?

Dani Ceballos Oo Shaaciyey Sheeko Cusub Oo La Xidhiidha Kooxdiisa Iyo Qaabka Xanuunka Coronavirus Ugu Yeeshay?
Dani Ceballos Oo Shaaciyey Sheeko Cusub Oo La Xidhiidha Kooxdiisa Iyo Qaabka Xanuunka Coronavirus Ugu Yeeshay?

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa shaaca ka qaaday sheeko cusub oo la xidhiidha kooxdiisa iyo qaabka uu saamaynta ugu yeeshay xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Arsenal ayaa kamida kooxaha uu shaqsiyaadka muhiimka ah ka saameeyay caabuqan dunida sida ba’an ugu faafay maadaama oo tababare Mikel Arteta uu kamid ahaa shaqsiyaadkii ugu horreeyay ee Premier League ka tirsan ee laga helo.

Ka dib markii xanuunka laga helay Arteta bishii March, dhammaan xiddigaha Arsenal ayaa mudo laba toddobaad ah xaalad karantiinay ah la galiyay walow ugu dambayn laga waayay midkoodna.

Ceballos oo haatan waraysi siiyay il-wareedka Movistar ayaa shaaca ka qaaday arrin midaas ka duwan waxaana uu si cad u sheegay in mudadii ay karantiinka ku jireen xiddigaha kooxda qaarkood ay lahaayeen calaamadaha caabuqa balse aysan jirin cid tijaabo ka qaaday.

Xiddiga qaabka amaahda ah kaga soo maqan Real Madrid ayaa yidhi “Subax ayaan kacay waxaanan arkay Arteta in laga helay, kooxda waa la karantiinay, waxa jiray ciyaartoy leh calaamadaha, laakiin dhammaantayo waanu fiicanahay, anaga tijaabo nagamay qaadin”

“Waxaan samaynayaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodo, way adagtahay in laga maqnaado qoyskaaga, halkan (England) waxaad si fudud hoos ugu lugayn kartaa wadada hal mar ayaanad maalintii u baxaysaa jimicsi”

Arsenal ayaa shalay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Premier League ah ee kusoo noqota tababarka kaddib mudo 47 maalmood ah oo ay maqnaayeen, xiddigaha kooxda ayaa la filayaa inay marka hore si shaqsi-shaqsi ah u samayn doonaan tababarka kahor inta aysan wadar u wada qaadan.