Dacwadii Laga Gudbiyey Xidhiidhka Kubada Cagta FA Ee Wadanka Ingiriiska Dacwadaasi Ma u Hiilin Doontaa Kooxaha Heerarka Hoose Ee National League?

Dacwadii Laga Gudbiyey Xidhiidhka Kubada Cagta FA Ee Wadanka Ingiriiska Dacwadaasi Ma u Hiilin Doontaa Kooxaha Heerarka Hoose Ee National League?
Dacwadii Laga Gudbiyey Xidhiidhka Kubada Cagta FA Ee Wadanka Ingiriiska Dacwadaasi Ma u Hiilin Doontaa Kooxaha Heerarka Hoose Ee National League?

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa lagu dacweeyey go’aankii uu waxba kama jiraanka kaga dhigay tartamada hoose ee maxalliga ah, kuwaas oo toddobaadkii hore si buuxda loo kansalay xili ciyaareedkan socda.

Xidhiidhka FA ayaa waxba kama jiraan ka dhigay xili ciyaareedka saddexda tartan ee heerka hoose ee National League loo yaqaano, taas oo ka dhigan in aan la xisaabin doonin wax kasta oo ay kooxahaasi sameeyaan muddadii uu socday tartanka xili ciyaareedkan ee dhamaadka ku dhow, kaas oo bishan horraanteedii loo joojiyey caabuqa Coronavirus.

66 kooxood oo heerarka hoose oo kaashanaya xubno xildhibaano baarlamaanka UK ka tirsan ayaa waxay dacwad u qorayaan waaxda Dhaqanka, Warbaahinta iyo Sports-ka ee Ingiriiska, taas oo ay kaga cabanayaan go’aanka oo ay ku tilmaameen inuu yahay sharci-darro maadaama tartamadii kale ee Premier League, EFL, FA Cup ay sidooda yihiin oo aan la kansalin.

Go’aanka FA-ga oo macnihiisu yahay in 91-ka kooxood ee tartamadan ka ciyaara aanay jiri doonin kuwo usoo dallacaya heerarka sare, kuwo degaya iyo cid koobab la siinayaa toona, waxa kooxuhu qoraal ay soo saareen ay ku sheegeen in go’aankaasi uu yahay mid malaayiin Gini oo maalgelin ah ay kaga khasaarayaan, isla markaana aan ahayn caddaalad, iyagoo usoo jeediyey in laga noqdo go’aanka.

Waxa kale oo ay kooxuhu sheegeen in go’aanka uu FA-gu qaatay aanu ka talo-gelinin kooxahooda oo aan waxba laga weydiinin.

“Go’aankani ma tixgelinin malaayiinta Gini ee la maalgeliyey iyo saacadaha aan tirada lahayn ee kooxuhu kharashka bixiyeen xilli dhibaato dhaqaale jirto. Qoraalkan wada-jirka ah, waxaanu ku caddaynaynaa in go’aankaasi musiibo ku yahay natiijada xili ciyaareedka 2019-20.” Ayay kooxuhu yidhaahdeen.

“Si kastaba, waxa aanu rumaysanahay in go’aanka noocan ah uu yahay mid aan la aqbali karin oo hoos la noogu dhigayo waqti xaaladdani jirto. Waxa aanu doonaynaa in wada-hadal degdeg ah oo midho-dhal ah laga yeesho arrintan oo FA-gu uu ka noqdo go’aankiisa.” Ayay kooxuhu yidhaahdeen.

Si kastaba, xubno mudaneyaasha Baarlamaanka ah ayaa dacwaddan gacanta ku haya oo dabada ka riixi doona in FA-ga culays lagu saaro inuu ka noqdo go’aankan.