Cristiano Ronaldo Muxuu Ka Yidhi Go’aankii Haayada WHO Ee La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?

Cristiano Ronaldo Muxuu Ka Yidhi Go’aankii Haayada WHO Ee La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?
Kooxda Juventus Hadii Ciyaartoy Ka Tirsan Laga Helay Xanuunka Coronavirus Saamayn Maku Yeelan Karaa Dhanka Maaliyada?

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay hadlay tan iyo markii musiibada caabuqa coronavirus uu ka dhex dilaacay kooxdiisa Juventus.

War qoraal ah oo uu Cristiano Ronaldo soo saaray ayuu kaga hadlay dagaalka lagula jiro cudurka coronavirus, wuxuuna sheegay in markan aanu ka ciyaartoy ahaan ku hadlayn balse uu ku hadlayo aabanimo, bini aadamnimo isaga oo murugo la wadaagay dadka uu xanuunkani asiibay.

Cristiano Ronaldo oo ka mid ah 121 ka shaqsi ee ka mid ah kooxda Juventus ee naftooda cidlada ku xidhay ayaa soo qaatay go’aankii ay hay’da qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka aduunka ee WHO ay coronavirus ugu aqoonsatay musiibada caalamiga ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wax walba oo uu Cristiano Ronaldo kaga hadlay qoraalka uu soo saaray kaas oo uu ku baahiyay bartiisa twitterka.

Cristiano Ronaldo ayaa qoraalkiisa ku bilaabay: “Aduunyadu waxay dhex maraysaa waqti aad u adag kaas oo dhamaanteen inooga baahan daryeelka iyo foojignaanta ugu saraysa”.

“Maanta uma hadlayo ciyaartoy kubbada cagta ah, laakiin waa ka wiil ahaan, ka ahaabo ahaan, ka bini aadam ahaan oo ka walaacsan saamaynta aduunka oo dhan ku sii fidaysa” ayuu Ronaldo qoraalkiisa sii raaciyay.

Cristiano Ronaldo oo baaq u diraya dadwaynaha caalamka iyo in ay raacaan talooyinka caafimaad ee hay’da caafimaadka aduunka WHO ayaa yidhi: “Waa muhiim in dhamaanteen aynu raacno tallada WHO( hay’da caafimaadka aduunka) iyo xubnaha maamulka ee sida aynu ula tacaalayno xaalada waqti xaadirkan”.

Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay in wax walba uu ka sareeyo caafimaadka bini aadamku isaga oo murugo la wadaagay dadkii ku waxyeeloobay coronavirus, kuwa la dhibtoonaya iyo gaar ahaan xidiga ay isku kooxda yihiin ee Daniele Rugani.

Ronaldo oo arintan ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Ilaalinta nolosha bini aadamka ayay waajib tahay in ay ka sarayso dan kasta oo kale. Waxaan jeclaan lahaa in aan dareenkayga la wadaago qof kasta oo ay cidii ku dhawayd ku wayday, waxaan la jiraa kuwa la dagaalamaya fayraska sida xidiga aanu isku kooxda nahay ee Daniele Rugani, waxaanan sii wadi doonaa xirfadlayaasha layaabka leh ee caafimaadka ee naftooda dul dhigaya sida ay u caawin lahayeen kuwa kale”.

Cristiano Ronaldo ayaa qoraalkiisan laga fahmay in uu isagu ka badqabo halista cudurka Coronavirus ee kooxdiisa Juventus ku faafayay taas oo war fiican u ah jamaahiirta kooxdiisa iyo xulkiisa Portugal.