Cristiano Ronaldo Hadii Uu Ka Tago Kooxda Juventus Waatee Kooxda Kale Ee uu Tagi Karo?

Cristiano Ronaldo Hadii Uu Ka Tago Kooxda Juventus Waatee Kooxda Kale Ee uu Tagi Karo?
Kooxda Real Madrid Miyey Soo Ceshan Kartaa Cristiano Ronaldo Hadii Ayse Dhacdo Kooxda Juventus Sidee Uga Wada Xaajoon Doonaan?

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan ka tegi doona Juventus taasi oo laba xili ciyaareed oo kaliya oo uu u ciyaaray.

Kooxda Juventus ayaa sannadkii 2018 Cristiano Ronaldo kaga soo iibsatay Real Madrid lacag dhan €105 milyan, waxaanu qalinka ku duugay heshiisa afar sannadood ah iyadoo dhowaana ay soo baxday in Old Lady ay doonayso inay sii kordhiyaan waqtiga heshiiska.

Xiddiga reer Portugal oo ku sugan waqtigan waddankiisa Portugal oo uu tegay markii fasaxa la geliyey ciyaaraha ayaa waxa uu ogolaaday in Juventus ay mushaharkiisa ka jarto boqolkiiba 20, sidaas oo kalena waxa sameeyey dhamaan ciyaartoyda kooxda oo muddada ay ciyaaruhu caadiga kusoo noqonayaan ee ay taagan tahay dhibaatada Coronavirus laga dhimi doono mushaharkooda.

Marka uu dhamaado xili ciyaareedkan hakadka ku jira, xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa u qorshaysan inuu iskaga tago kooxdiisa Juventus iyo gebi ahaan horyaalka waddanka Talyaaniga sida ay sheegeen warbaahinta kasoo baxda dalkaasi.

Wargeyska Il Messaggero ayaa daabacay war ka nixiyey Juventus oo ah in xiddiga reer Portugal uu haddaba gaadhay go’aan ah inuu shandaddiisa ka qaato Talyaaniga oo uu tago horyaal kale, laakiin wargeysku ma sheegin halka suurtogalka ah ee u qorshaysan Ronaldo.

Sababta ugu weyn ee ay sidan u dhacayso ayay warbaahintu sheegeen inay suurtogal tahay in mushahar dhimista ay Juventus samaysay ay kusii adkaysato maadaama dhaqaalaha kooxdaas iyo kuwa kale ee caalamkaba uu dhaawac weyn gaadhay oo aanay si degdeg ah u hirgelin karaynin heshiiskii hore ay ciyaartoygeeda ula gashay, xataa haddii ciyaaruhu caadi kusoo noqdaan.

Dhawr bilood oo aanay wax lacag ah soo gelin kooxda, kharashaad tiro badan oo ay mushaharooyinku ugu horreeyaan oo ka baxday ayaa lagu sababeeyey arrintan.

Si kastaba, wargeyska Il Messaggero iyo kuwa kale ee ka sii xigtayba may sheegin inuu dib ugu laaban doono Spain ama uu tegi karayo Premier League, hase yeeshee waxa laacibkan uu dalabyo ka haystaa horyaalka Maraykanka oo kooxda Inter Miami ee David Beckham ay raadinayso saxeexiisa.