Home LA LIGA

Cristiano Ronaldo Ayaa Kooxda Juventus Ka Tagi Doona Sababo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus Waxaana Uu Ku Laaban Doona Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid?

Cristiano Ronaldo Ayaa Kooxda Juventus Ka Tagi Doona Sababo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus Waxaana Uu Ku Laaban Doona Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid?

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga ugu fiican kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo kadib xanuunka Coronavirus.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Juventus Cristiano Ronaldo u ogolaan doonto in uu ku laabto kooxda Real Madrid xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay Aqbasho lacag dhan 50 milyan oo euro si uu xiddiga reer Portugal ee 34 jirka ah uga tago kooxda.

Sababta ay kooxda Juventus u doonayso in ay iska iibiso Ronaldo ayaa ah Faafista xanuunka Coronavirus kaas oo badali doona miisaaniyada kooxda iyo waliba dhaqaalaha kooxda.

Juventus ayaa doonaysa in ay iska iibiso Ronaldo si ayna u bixin mushaharka waalida ah ee uu xiddigu sanadkii ku qaato lacagta dhan 30-ka milyan ee euro.Advertisements

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Juventus kula jira heshiis dhici doona ilaa xgagaaga 20222 kadib markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2018.