Coronavirus Wuxuu Saamayn Ku Yeeshay Dhaqaalaha Kooxaha Iyo Waliba Dhanka Suuqa Kala Iibsiga Balse Kooxahee Ayuu Saameeyey?

Coronavirus Wuxuu Saamayn Ku Yeeshay Dhaqaalaha Kooxaha Iyo Waliba Dhanka Suuqa Kala Iibsiga Balse Kooxahee Ayuu Saameeyey?
Coronavirus Wuxuu Saamayn Ku Yeeshay Dhaqaalaha Kooxaha Iyo Waliba Dhanka Suuqa Kala Iibsiga Balse Kooxahee Ayuu Saameeyey?

Kooxaha Manchester United, Liveprool iyo Chelsea Waxay ku jiraan tiro kooxaha horyaalka Premier League oo ay u qorshaysnayd in marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga xagaaga soo socda ay qasnaddooda u jabiyaan laacibiin cusub oo ay isku xoojiyaan, laakiin caabuqa Coronavirus waxa uu diciifiyey dhaqaalihii kooxahan, taasina waxay keeni doontaa inay dib uga laabtaan waxyaabihii u qorshaysnaa.

Manchester United ayaa waxay doonaysay ka hor intii aanay dhibaatadani dhicin xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo lagu qiimeeyey £120 milyan, kaas oo iyaguna ay eryanayeen labada naadi ee Liverpool iyo Chelsea. Laakiin tababare Ole Gunner Solskajer oo aaminsan in da’yarkani uu leeyahay hidde-sidaha (DNA) ee Man United ayaa waxa uu bilo ka hor sii qorsheeyey qaabka uu naadiyada la tartamaya ugu garaacayo saxeexiisa.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp oo isaguna doonaya inuu adeegsado xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay kooxdisia hore ee Dortmund iyo macallinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa iyagana ay diiraddoodu saarnayd da’yarkan ka hor intii aanay aafada Coronavirus soo bixin.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, dhaawaca uu dhaqaalaha kooxahan gaadhsiiyey caabuqa COVID-19, waxa isbeddel ku iman doonaa qorshe kasta oo dhinaca suuqa ah oo ay Solskajer, Klopp iyo Lampard ka damacsanaayeen Sancho iyo laacibiinta kale ee shiishku u saarnaaba.

“Ma noqon doonto wax fiican haddii dhibaatooyinkan kaddib ay kooxuhu isku dayaan inay si degdeg ah lacag badan ugu bixiyaan ciyaartooyo cusub.” Sidaa waxa yidhi tifaftire sare oo ka tirsan wargeyska Mirror.

“£100 milyan oo lagu bixiyo ciyaartoy xilli adduunku xaalad degdeg ah ku jiro oo ay dhibaatada Covid-19 taagan tahay, waxay u muuqan doontaa in qalalaalse kale casuumad loo samaynayo.” Ayuu tifaftiruhu mar kale yidhi.

Manchester United ayaa la rumaysan yahay inay sii calaamadsatay saddex ciyaartoy oo qayb ka noqon doona dibu-dhiska naadiga ee xili ciyaareedka dambe oo ay ku bixinayso £200 milyan, sidaas oo kalena waxa £150 milyan jeebadda ku haysta Guardiola si uu xili ciyaareedka dambe ula tartami karo Liverpool oo 25 dhibcood ka sarraysa xili ciyaareedkan.

Dhinac akale, mulkiileyaasha Liverpool ee Sports Group ee fadhigoodu yahay Boston, USA, ayaa waxa ay mar hore ka fadhiisteen laba ciyaartoy oo kala ah Timo Werner oo £50 milyan ay ku bixinayaan iyo Kai Havertz oo Bayer Leverkusen ka tirsan oo £90 milyan ay ka bixin doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, lama hubo in kooxuhu ay bixin kari doonaan lacagahan xilli dhibaato dhaqaale uu kasoo gaadhay Coronavirus, isla markaana ay kulamada hadhay ku ciyaari doonaan garoomo madhan.