Home Wararka Maanta

CONMEBOL Oo FIFA Ka Codsatay In Dib Loo Dhigo Bilowga Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee 2022?

CONMEBOL Oo FIFA Ka Codsatay In Dib Loo Dhigo Bilowga Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee 2022?
CONMEBOL Oo FIFA Ka Codsatay In Dib Loo Dhigo Bilowga Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee 2022?

CONMEBOL ayaa ka codsatay FIFA inay dib u dhigto bilowga isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 oo loo qorsheeyay bishaan sababtoo ah cabsida coronavirus.

Waraaq ay u dirtay FIFA Arbacadii, CONMEBOL waxay weydiisatay isreebreebka furitaanka oo loo qorsheeyay March 26, 27 iyo 31 in dib loo dhigo.

COVID-19 wuxuu dilay in ka badan 4,600 oo qof aduunka oo dhan halka uu saameeyay in ka badan 126,000.

CONMEBOL ayaa cadeysay suurtagalnimada ciyaartoydu aysan ka safri karin Yurub sababa la xiriira coronavirus-ka sababtiisa awgeed.

Wadamada xubnaha ka ah CONMEBOL – Argentina, Bolivia, Brazil, Chile, Columbia, Ecuador, Paraguay, Peru, Uruguay iyo Venezuela waxay ka codsadeen CONMEBOL inay u gudbiyaan FIFA tixgelinta codsiga dib loogu dhigo bilawga isreebreebka Koobka Aduunka ee Qatar 2022.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa lagu wadaa inay bilaabaan ololahooda isreebreebka kulanka ay ka hor tagayaan Ecuador ee Buenos Aires, halka Brazil loo qorsheeyay inay wajihi doonaan Bolivia magaalada Recife.

Kulamada kale ee la ciyaaray waxaa ka mid ah Paraguay-Peru, Uruguay-Chile iyo Colombia-Venezuela.