Ciyaartoydan Ayaa Loo Diiwaan Galiyey Shanta Horyaal Yurub Ee Iyagoo Dayar Goolal Ka Dhaliyey?

Ciyaartoydan Ayaa Loo Diiwaan Galiyey Shanta Horyaal Yurub Ee Iyagoo Dayar Goolal Ka Dhaliyey?
Ciyaartoydan Ayaa Loo Diiwaan Galiyey Shanta Horyaal Yurub Ee Iyagoo Dayar Goolal Ka Dhaliyey?

Mar kasta oo ay bisha April 10 tahay, waxa la xasuustaa laacibka taariikhda horyaalka Premier League ku jira James Vaughan  oo isku qoray buugga dhacdooyinka horyaalka sannadkii 2005.

Laacibkan ayaa haysta rikoodhka xiddigii ugu da’da yaraa ee abid gool ka dhaliyey horyaalka Premier League, waxaanay ahayd ciyaar dhex-martay Everton iyo Crystal Palace oo uu ka mid noqday afar laacib oo maalintaas goolal loo qoray, muddo 15 sannadood ah oo waqtigaas kasoo wareegtayna wali masoo bixin ciyaartoy rikoodhkiisa jabiya.

Si la mid ah Premier League, waxa jira ciyaartooyo haysta rikoodhada da’yaraanta goolasha lagu dhaliyey, waxaanay dhamaan shanta horyaal laacibiintani goolashooda dhaliyeen xilli ay ahaayeen 15 jir, 16 jir iyo 17 jir.

Sunderland sell James Vaughan to Wigan to end miserable spell on ...

BUNDESLIGA: Nuri Sahin ( 17 sannadood iyo 82 maalmood)

Kubbad-sameeyahan ayaa taariikhda horyaalka Bundesliga galay 26/11/2005, markii fursad loo siiyey inuu ciyaaro kulan dhex-maray Nurnberg iyo Borussia Dortmunt. Ciyaartaas oo ku dhamaatay 2-1, waxa uu Sahin dhaliyey goolka labaad ee guusha u horseeday Dortmund.

Premier League: James Vaughan (16 sannadood iyo 270 maalmood)

Markii ay taariikhdu ahayd 10/04/2005, waxay Everton 4-0 ku xasuuqday Crystal Palace, waxaana kulankaas laga diiwaangeliyey rikoodh uu samaystay James Vaugham oo gool uu dhaliyey daqiiqaddii 87aad isaga oo 16 sannadood iyo 270 maalmood jira uu ku jabiyey rikoodhkii James Milner ee ciyaartoyga ugu da’da yar ee Premier League gool ka dhaliya. Saddexda gool ee kale waxa dhaliyey ciyaartaas Mikel Arteta iyo Tim Cahill.

Serie A: Amerdeo Amadei (15 sannadood iyo 287 maalmood)

1937k-kii ayuu Amerdeo Amadei gool ka dhaliyey ciyaar ay Lucchese 5-1 ku karbaashtay Roma, waxaana muddo 83 sannadood ah uu wali goolkaasi yahay midkii uu dhaliyey ciyaartoygii ugu da’da yaraa abid.

LaLiga: Fabrice Olinga (16 sannadood iyo 98 maalmood)

Taariikhdii horyaalka LaLiga uu u qoray Fabrice Olinga 8 sannadood ka hor oo ku beegnayd 18/08/2012 ayaanay wali cidina jabinin, sidoo kalena waxa aan jirin ciyaartoy da’diisa ah oo gool dhaliyey.

Kulan dhex-maray Celta Vigo iyo Malaga 18/08/2012 waxa ka dhashay hal gool oo kaliya oo ay Malaga saddexda dhibcood ku qaadatay, waxaana saxeexay Fabrice Olinga.

Ligue 1: Ricard Krawczyk (16 sannadood 15 maalmood)

Waa taariikh guun ah oo ay cidina jabin kari wayday, waxaana illaa hadda Ricard Krawczyk uu ku qoran yahay diiwaanka horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1, kaddib markii uu gool ka dhaliyey ciyaar ay yeesheen Angers iyo Lens oo 1-2 ay ku adkaatay Lens.

Kulankan ayaa dhacay 08/09/1963, walina ma jiro cid rikodhkaasi gaadhay.