Ciyaartoyda Ay Kooxda Man United Xaraashayso Maku Jiraa Paul Pogba Wax Kastood Uga Baahan Tahay Halkan Ka Akhriso?

Ciyaartoyda Ay Kooxda Man United Xaraashayso Maku Jiraa Paul Pogba Wax Kastood Uga Baahan Tahay Halkan Ka Akhriso?
Ciyaartoyda Ay Kooxda Man United Xaraashayso Maku Jiraa Paul Pogba Wax Kastood Uga Baahan Tahay Halkan Ka Akhriso?

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaraashaysa tiro ka mid ah ciyaartoygeeda kooxda koowaad oo uu ugu horreeyo kubbad-sameeyaha reer France ee Paul Pogba, waxaanay beddelkooda u dhaqaaqi doontaa inay soo iibsato garabka weerarka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Guddoomiye ku-xigeenka Manchester United, Ed Woodward ayaa tababaraha kooxdiisa u sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka dhashay caabuqa Coronavirus ay kooxdiisa ka hor joogsan doonaan inay lasoo saxeexdaan ciyaaryahannadii u qorshaysnaa ee ay hore indhaha ugu hayeen, isla markaana aanay awoodi doonin inay bixiyaan lacagaha wareerka ah ee ay kooxaha ciyaaryahannadani ku sugan yihiin ay doonayaan.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer oo doonaya inuu xili ciyaareedka dambe horyaalka kula loollamo Manchester City iyo Liverpool oo ah cududda ugu awoodda badan ee hadda ka jirta Premier League ayaa waxa uu qorshaynayaa inuu helo tab iyo xeelad kale oo uu kaga adeegan karo suuqa.

Tababaraha reer Norway waxa uu doonayaa inuu helo dhawr ciyaartoy oo uu ugu horreeyo garabka midig ee Dortmund ee Sancho iyo mid ka mid ah labada laacib ee James Maddison iyo Jack Grealish ama labadoodaba haddii ay u suurtogasho, waxaana si uu taas macquul uga dhigo uu samaynayaa nooc khamaar ah oo uu ku fasaxayo tiro ciyaartooyo ah oo ka tirsan kooxdiisa.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba oo heshiiskiisa uu sannad ka hadhsan yahay, ayaa uu iibin doonaa, waxaana uu waddadaas oo kale marin doonaa saddexda laacib ee Marcos Rojo oo haddaba amaah kaga maqan, Jesse Lingard iyo Andreas Pereira.

Pogba oo ah xiddiga ugu magaca weyn ee Manchester United ay haysato oo ay sannadkii 2016 kaga soo iibsatay Juventus lacag dhamayd £89 milyan, ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin PSG, Juventus iyo Real Madrid, waxaana Solskjaer uu rumaysan yahay in ugu yaraan uu ku heli doono qiime lacageed uu u goysa Jadon Sancho oo ilaa £100 milyan ay Dortmund ku fasaxayso.

Pogba oo aan hal maalinna ka garab ciyaarin saxeexii cusbaa ee Manchester United ay soo qaadatay bishii January ee Bruno Fernandes, ayuu Solskjaer xisaabta ku darsaday in haddii uu iibiyo ay kooxdiisu ka maarmi karayso, haddii lacagta ay ku gadaan marka ay kusoo qaataan Sancho uu baaqi uga soo hadhana ay ku daraan inta uga soo hoyata saddexda laacib ee kale oo ay Aston Villa iyo Leicester City kaga doontaan Jack Grealish iyo James Maddison.