Ciyaartoy Kale Oo Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Ayaa Isna Ka Tagay Kooxdiisa.

Ciyaartoy Kale Oo Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Ayaa Isna Ka Tagay Kooxdiisa.
Ciyaartoy Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Tagay Kooxdaasi una Xaqiijiyey Malcab.com

Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Mida Kooxaha Tobanka ah Ee Heerka Koowaad Kana Dhisan Caasimada Hargeysa Ayaa Waxaa Ka Tagay Ciyaartoy Ka Tirsanaan Jiray Kooxdaasi.

Cali Cismaan Maax Oo Ahaa Goolhayihii Kooxdaasi Duulista Iyo Hawada Ayaa Malcab.com u Xaqiijiyey Inuu Ka Tagay Kooxdiisii Uu Mudada 4-Sano La Joogay Ee Duulista Iyo Hawada Magaalada Hargeysa.

Goolhaye Cali Cismaan Maax Waxaa uu Malcab u Xaqiijiyey Inuu Guud Ahaan Kaba Tagay Kooxda Duulista Iyo Hawada.

Waxaanu Noo Sheegay In Kooxda Uu Tagaayo Dib Ka Soo Shaacin Doono Hadii Alle Idhaahdo, Si Kastaba Goolhayihii Kooxda Duulista Iyo Hawada Ayaa Noqon Doona Ciyaartoygii Labaad Ee Todobaadka Gudihii Ka Taga Kooxda Duulista Iyo Hawada.

28-Jamadul Awel-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.