Ciyaartoy Ka Tirsanaa Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Oo Malcab u Xaqiijiyey Inuu Ka Tagay Kooxdaasi?

Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Oo Ka Mida Kooxaha Heerka Koowaad Ee Caasimada Hargeysa Ka Dhisan Ayaa Waxaa Ka Tagay Mid Ka Mida Ciyaartoydii Kooxdaasi Mudada Dheer u Soo Ciyaari Jiray.

Kaptankii Hore Ee Kooxdan Xamse Asad Dhugad Ayaa Ka Tagay Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Xili uu Xamse La Soo Xidhiidhay Bahda Malcab Una Xaqiijiyey Ka Tagista Kooxdiisa Isagoo Ku Sababeeyey Arimo Isaga u Gaar ah.

Xamse Asad Dhugad Ayaa Kooxda Xidigaha Cirka Ku Soo Biiray Sanadkii 2012kii Ilaa Hada Oo La Maraayo 2020 Wuu Ku Sugnaa Kooxda Waxaana Lagu Xasuustaa Mudadii Uu Joogay In uu Kooxda Kula Guulaystay Koobab Badan Ayna Ka Mid Ahayd Koobkii Kooxaha Heerka Koowaad.

“Waxaan Halkan Uga Mahad Celinayaa Gudoomiyaha Kooxda Iyo Dhamaan Ciyaartoyda Kooxda Oo Aan Saaxiibo Ahayn” Ayuu Xamse Asad Yidhi.

Dhinaca Kale Xamse Ayaan Nala Wadaagin Kooxda u Xigi Doonta Kooxdan Balse Ku Gaabsaday Inuu Gadaal Ka Soo Sheegi Doono Hadii Alle Idhaahdo.

16-Rajab-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.