Ciyaartoy Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Tagay Kooxdaasi una Xaqiijiyey Malcab.com

Ciyaartoy Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Tagay Kooxdaasi una Xaqiijiyey Malcab.com
Ciyaartoy Ka Tirsanaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Tagay Kooxdaasi una Xaqiijiyey Malcab.com

Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Mida Kooxaha Tobanka ah Ee Heerka Koowaad Kana Dhisan Caasimada Hargeysa Ayaa Waxaa Ka Tagay Ciyaartoy Ka Tirsanaan Jiray Kooxdaasi.

Khaalid Cabdi Dubbe Kuna Magac Dheer Khaalid Dhucda Ayaa Malcab.com u Xaqiijiyey Inuu Ka Tagay Kooxdiisii Uu Mudada 6-Sano La Joogay Ee Duulista Iyo Hawada Magaalada Hargeysa Waakan Khaalid Dhucda Oo Malcab Uga Waramaya Ka Tagista Kooxdiisa.

“Waxaan Halkan Ka Shaacinayaa Inaan Ka Tagay Kooxdii Aan Mudada Lixda Sano ah La Soo Joogay Anigoo Ciyaartoy Iyo Maamulba Kooxda u Haya Wanaag Iyo Sharaf Oo Aan Halkan Ku Soo Koobi Karin”

Khaalid Dhucda Ayaa Kooxda Duulista Iyo Hawada Ku Soo Biiray Sanadkii 2013 Waxaana Isla Sanadkaasi La Qaaday Koobkii Wakhtigaasi Iyo Koobab Kale Waxaanu Uga Ciyaari Jiray Possition 6 Ama Dhexda Hadba Sidaad u Taqaano.

Malcab Oo Sii Waydiisay Kooxda Uu Ku Biirayo Mar Hadii Uu Ka Tagay Ee Duulista Iyo Hawada Waxaanu Shaaciyey Oo Kaliya Inuu Dib Ka Soo Sheegi Doono Kooxda Uu Ku Biiri Doono.

27-Jamadul Awel-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.