Ciyaartoy Ka Tirsan Kooxda Liverpool Oo Si Adag Uga Soo Horjeeda In Kooxda La Keeno Kylian Mbappe.

Ciyaartoy Ka Tirsan Kooxda Liverpool Oo Si Adag Uga Soo Horjeeda In Kooxda La Keeno Kylian Mbappe.
Ciyaartoy Ka Tirsan Kooxda Liverpool Oo Si Adag Uga Soo Horjeeda In Kooxda La Keeno Kylian Mbappe.

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa markale ka hadlay arrimaha kooxdiisa iyo da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo ay asxaab yihiin wakhti wacana kusoo wada qaateen dhinaca Monaco.

Mbappe ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay kooxo ay kamid tahay Liverpool gaar ahaan tan iyo markii ay kooxdaasi heshiiska la gaadhay shirkada Nike iyadoo ay jamaahiirtooda baraha bulshada ku qabsadeen hal-hayska ah #Mbappe2020.

Fabinho oo si cad loo weydiiyay su’aasha ah waxa uu Kylian kusoo kordhin karo safka kooxdooda ayaa sheegay in kooxdiisa uu imaatinkiisu ku noqon doono madax xanuun sababtoo ah inay haatanba haystaan saddexley weerar oo fiican oo ay adkaan doonto in la kala xusho.

Xiddiga Brazil kasoo jeeda ayaa yidhi “Wakhti xaadirkan madax xanuun ayay ku noqon lahayd Liverpool haddii aanu halkan ku haysan lahayn sababtoo ah saddexleydayada weerar waa mid aad u wanaagsan”.

“Laakiin anigu waan garanayaa tayada Mbappe, Isagu xilli horeba waa mid kamida ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, Sidaas darteed sida iska cad wuu horumarin doonaa koox kasta, Wakhti xaadirkan waxa uu u ciyaaraa Paris Saint-Germain waana inaynu ixtiraamno midaas”.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan qarka u saaran guusheedii ugu horreysay ee horyaalka Premier League iyo inay guud ahaan horyaalkeedii koowaad mudo sodon sano kaddib ah hanato.

Xiddigaha Klopp ayaa doonaya inay bar-bareeyaan rekoodhkii ahaa in guuldarro la’aan horyaalka lagu qaado ee Arsenal iyagoo kulamadooda guuldarro la’aanta ah gaadhsiiyay 40 kulan kaddib guushii 2-1 ahayd ee ay Wolves kasoo gaadheen.