Ciyaartooyo Waa Weyn Oo Ka Tagaa Kooxahooda Sabab Ma u Noqon Karaa Xanuunka Sii Faafaya Ee Coronavirus?

Ciyaartooyo Waa Weyn Oo Ka Tagaa Kooxahooda Sabab Ma u Noqon Karaa Xanuunka Sii Faafaya Ee Coronavirus?

Xanuunka Coronavirus ee dunida saamaynta badan ku yeeshay, kaliya muu laynin dadka ama burburinin dhaqaalaha adduunka, hase yeeshee, waxa kale oo uu dhulka dhigay ciyaaraha kala duwan oo albaabada loo laabay, waxaa se kasii daran inuu sababi karayo in ciyaartooyo waaweyn ay ka tagaan kooxahooda.

Marka laga yimaaddo inaan la hubin waqtiga dib loo bilaabi karayo horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub iyo kuwa kale ee caalamkaba, waxa saamaynta Coronavirus laga dareemi doonaa suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, markaas oo kooxo waaweyn ay dib uga istaagi doonaan inay soo qaataan ciyaartooyo markii hore u calaamadsanaa oo ay xataa kooxahooda is-afgarad kala sii gaadheen.

Qiimaha ciyaartoyda ee cirka ku shareernaa ayaa la sheegayaa in ay adag tahay in sannadahan soo socda la arko laacib lagu iibsanayo wax ka badan 100 milyan oo Euro, sida uu rumaysan yahay Uli Hoeness oo ah madaxweynihii hore ee kooxda Bayern Munich oo yidhi: “Waa wax aanad saadaalin karaynin, laakiin ma qiyaasi karayo inay jiri doonaan waxeexyo gaadhi doona 100 milyan oo Euro sannadaha soo socda.”

Iibka oo kaliya kuma koobnaan doonto saamaynta Coronavirus, laakiin waxa kale oo laga warwarsan yahay inuu kala kaxeeyo ciyaartoy muhiim ah iyo kooxahooda, kaddib markii hoos loo dhigay mushaharka ciyaartoyda.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Lionel Messi iyo Sergio Ramos ayey kooxahoodu ka baqayaan inay diidaan inay saxeexaan heshiisyo cusub, iyadoo qandaraasyadooda horena ku eg-yihiin dhamaadka xili ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa sii daran oo uu Messi si xor ah uga tegi karayaa xagaagan sida uu dhigayo heshiiska ay ku wada jiraan, waxaana sida uu wargeysku sheegay uu laacibka reer Argentine ka biyo diidsan yahay lacagta badan ee ay kooxdu doonayso inay ka goyso mushaharkiisa oo noqonaysa ilaa 70%.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sidoo uu heshiiskiisu dhamaan doonaa sannad kaddib iyadoo ay markaa da’diisu tahay 35 jir, waxaana illaa hadda aanay labada dhinac isla meel dhigin in heshiis cusub uu halyeyga reer Spain ku kordhiyo qandaraaskiisa hore.

Barcelona, waxa kale oo ay heshiisyo cusub uga baahan tahay oo qandaraasyadoodu dhamaanayaan dhamaadka xili ciyaareedka dambe ama badhtamaha sannadka 2021 shanta ciyaartoy ee kale ee Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Luis Suarez iyo Riqui Puig.

Dhinaca Real Madrid, waxa Sergio Ramos uu heshiiskoodu mar la dhici doonaa Luka Modric iyo Lucas Vazquez,.

Ciyaartoyda kale ee iyagana ay go’aamada ka dhashay caabuqa Coronavirus saamaynayaan waxa ka mid ah Paul Pogba, Thiago, Ferran Torres iyo Diego Cost oo dhamaantood heshiisyadoodu dhacayaan June 2021.

Kooxda PSG ee lacagta badan gelisay xiddigaheeda Kylian Mbappe iyo Neymar, ayaa sidoo kale wadnaha farta ku haysa, waxaana laba sannadood kaliya ka hadhsan yahay qandaraaska Mbappe oo la ogyahay inuu doonayo inuu ka ciyaaro kooxaha waaweyn ee kale oo uu ka tago PSG.

Mbappe ayaa mushahar ahaan aad uga yar Neymar, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaana PSG ku adkaanaysa inay xiddigan reer France sii haysan karto iyadoo aan mushahar kordhin badan u samaynin xilli ay sidoo kale ka fiirsanayaan inay dhimaan kharashkooda.