Ciyaartii Dhex Maraysay Kooxaha Independiente Rivadavia Iyo Atlanta Oo Lagu Kala Dareeray Markii Ay Dhaceen Rabshado?

Ciyaartii Dhex Maraysay Kooxaha Independiente Rivadavia Iyo Atlanta Oo Lagu Kala Dareeray Markii Ay Dhaceen Rabshado?
Ciyaartii Dhex Maraysay Kooxaha Independiente Rivadavia Iyo Atlanta Oo Lagu Kala Dareeray Markii Ay Dhacdeen Rabshado?

Ciyaar u dhaxaysay labada kooxood ee Independiente Rivadavia iyo Atlanta ayaa lagu kala dareeray kaddib markii ay boolisku damaanad qaadi kari waayeen bad-qabta ciyaartoyga garoonka ku jiray.

Image result for Independiente Rivadavia vs Atlanta

Independiente Rivadavia iyo Atlanta oo ka tirsan kooxaha heerka labaad ee waddanka Argentina ayaa maalintii Axaddii ku kulmay ciyaar ka mid ahayd horyaalka heerka labaad, laakiin 20 daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ciyaartu ayaa ciyaaryahannadu ay orod kaga baxeen garoonka.

Image result for Independiente Rivadavia vs Atlanta

Sida uu ku warramay Sky Sports, taageereyaasha ayaa labada kooxood ayaa bilaabay dagaal fool ka fool ah, waxaana ku jiray kuwo hubaysan oo xattaa ciidamada boolisku ay xakamayn kari waayeen.

Muuqaallo ay soo gudbiyeen telefishannadu ayaa waxay muujiyeen taageereyaal cadhaysan oo gudaha garoonka isku dhex dagaalaya, iyagoo ku hubaysan mindiyo, walxo ololaya iyo budhadh, kuwaas oo iskula soo degay gudaha garoonka ay ciyaartu ka socotay oo lagu magacaabo Mendoza Stadium.

Image result for Independiente Rivadavia vs Atlanta

Laba ka mid ah taageereyaasha ayaa dhaawac halis ahi soo gaadhay, sida ay warbaahinta Argentine ku warrantay, hase yeeshee ciyaaryahannada ayaa badqab kaga  baxay garoonka.

Image result for Independiente Rivadavia vs Atlanta

Waddanka Argentine ayay caadi ka yihiin rabshadaha garoomadu, waxaana sannadkii hore dalkaasi martigelin kari waayey ciyaartii finalka Copa Libertadores oo u dhaxaysay Boca Juniors iyo River Plate oo markii dambe lagu ciyaaray waddanka Spain kaddib dhawr jeer oo dagaalka jamaahiirta darteed dib loogu dhigay.