Ciro Immobile Oo Kaalinta Koowaad Ka Galay Dhanka 20ka Gool Dhaliye Oo Ay Soo Saartay Shabakada Goal?

Ciro Immobile Oo Kaalinta Koowaad Ka Galay Dhanka 20ka Gool Dhaliye Oo Ay Soo Saartay Shabakada Goal?

Shabakadda Goal ayaa soo xushay 20 gool dhaliye ee xilli ciyaareedkan ugu wanaagsan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub marka ay noqoto tirada goolasha ah ee lagu dhaliyay daqiiqadaha ugu yar cel-celis ahaan.

Liiskan ayay kasoo muuqdeen sida la filayay xiddigaha ugu tayada wacan jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi balse labada midkoodna kuma jiro kaalmaha ugu horreeya.

Booska koowaad ayuu galay xiddiga ilaa haatan hoggaaminaya gool dhalinta kabta dahabka ah ee qaarada Yurub ee Ciro Immobile oo Lazio ka tirsan, Ronaldo ayaa booska shanaad soo xidhay halka Messi uu 8-aad ku jiro.

Ka dib gool dhaliye Immobile, Waxa kaalmaha labaad iyo saddexaad soo kala galay mashiinada goolasha ee Robert Lewandowski iyo Kylian Mbappe sida ay u kala horreeyaan.

Halkan Ka Akhriso Liiska Oo Faah-Faahsan & Xogta Ku Lamaan

20: Jadon Sancho – 1 gool – 129 daqiiqo oo kasta

19: Patrick Schick 1 gool -128 daqiiqo oo kasta

18: Andreas Cornelius 1 gool – 126 daqiiqo oo kasta

17: Romelu Lukaku 1 gool – 126 daqiiqo oo kasta

16: Wissam Ben Yedder 1 gool –  120 daqiiqo oo kasta

15: Jamie Vardy 1 gool – 117 daqiiqo oo kasta

14: Luis Suarez1 gool – 116 daqiiqo oo kasta

13: Memphis Depay 1 gool – 113 daqiiqo oo kasta

12: Felipe Caicedo 1 gool – 108 daqiiqo oo kasta

11: Mauro Icardi 1 gool – 105 daqiiqo oo kasta

10: Neymar 1 gool – 101 daqiiqo oo kasta

9: Josip Ilicic 1 gool – 99 daqiiqo oo kasta

8: Lionel Messi 1 gool – 99 daqiiqo oo kasta

7: Timo Werner 1 gool – 97 daqiiqo oo kasta

6: Duvan Zapata 1 gool – 96 daqiiqo oo kasta

5: Cristiano Ronaldo 1 gool – 92 daqiiqo oo kasta

4: Sergio Aguero 1 gool – 87 daqiiqo oo kasta

3: Kylian Mbappe 1 gool – 84 daqiiqo oo kasta

2: Robert Lewandowski 1 gool – 81 daqiiqo oo kasta

1: Ciro Immobile 1 gool – 80 daqiiqo oo kasta