Ceferin Ayaa Hadal Ka Soo Yeedhay Kaasi Oo La Xidhiidha Tartamada Xiisaha Badan Ee UEFA Champions League Iyo Europe League?

Ceferin Ayaa Hadal Ka Soo Yeedhay Kaasi Oo La Xidhiidha Tartamada Xiisaha Badan Ee UEFA Champions League Iyo Europe League?
Ceferin Ayaa Hadal Ka Soo Yeedhay Kaasi Oo La Xidhiidha Tartamada Xiisaha Badan Ee UEFA Champions League Iyo Europe League?

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa uu ka soo yeedhay hadal naxdin ku ah kooxaha reer Yurub gaar ahaan kuwooda qaybta ka sii ah wali tartamada xiisaha badan ee UEFA Champions League iyo Europe League.

Kubadda cagta Yurub ayaa inteedii badnayd la hakiyay kaddib natiijo ka dhalatay dhibaatada uu dunida ku keenay xanuunka Coronavirus.

Wali lama kala oga haddiiba xilli ciyaareedkan 2019-20 dib loo bilaabi doono iyo haddii gabi ahaanba la kansali doono balse madaxweyne Ceferin ayaa maalin kama dambays ah u qabtay qabsoomida Finalada UEFA Champions League iyo Europe League.

Ceferin oo u warramayay muuqbaahiyaha ree Germany ee ZDF ayaa yidhi “Waxa waajib ah inay dhammaadaan 3-da August, Champions League iyo Europe League”

“Waa xaalad qayrul caadi ah oo aynu ku jirno, sidaas darteed waxaanu nahay kuwo u dabacsan taariikhaha iyo xiliyada ay kulamadu bilaabmayaan, Haddii dhibaatooyinku ay xilli hore fududaadaan kaddib waxaynu u bilaabi karnaa (Tartamada) sidii hore si ka dhakhso badan”

Hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Aleksander Ceferin ayaa ka dhigan in haddii kulamada Final-ka ee Champions League iyo Europe League laga gaadhsiin waayo kahor 3-da August gabi ahaanba la kansali doono.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xaqiijiyay wararkii sheegayay inay suurogaltahay in kooxaha la ciyaarsiiyo hal kulan oo kaliya halkii laba lugood la ciyaari jiray iyadoo lagu kala saari doono garoon labadaba dhex u ah.

“Waxaynu ku ciyaari karnaa hanaanka haatan ama hal kulan oo lagu ciyaaray garoon dhex dhexaad ah, haatan kaliya waa dookh in lagu ciyaaro siddeed dhammaadka ama afar dhammaadka”