Casemiro Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Kooxda Real Betis?

Casemiro Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Kooxda Real Betis?
Casemiro Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Kooxda Real Betis?

Guul-darradii Real Madrid ay xalay kala kulantay Real Betis, waxay sabab u noqon kartaa in xili ciyaareedkan ay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga si fudud loogaga guuleysto, sida uu rumaysan yahay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Los Blancos ee Casemiro.

Kooxda tababare Zidane oo hoggaanka la wareegtay toddobaadkii hore markii ay Barcelona kaga adkaatay Bernabeu oo laba guul-darro oo ka horreeyey ay kaga soo kabatay, waxay xalay si rasmi ah mar kale hoggaanka ugu wareejisay Barcelona oo laba dhibcood ka horreysa, laakiin haddii ay badin lahayd, hal dhibic ayay ka sarreyn lahayd kooxda uu xafiiltanka weyni ka dhexeeyo.

Laacibka khadka dhexe ee Casemiro, oo ka hadlay khasaaraha soo gaadhay kooxdooda, ayaa waxa uu sheegay in guul-darradani sababi karto in laga qaado horyaalka, isbeddelna uu ku dhacay qaab ciyaareedkooda marka la barbar-dhigo sidii ay ula dheeleen Barcelona Axaddii hore.

“Si aanu ugu guuleysano LaLiga, waa inaanu si fiican u ciyaarno kulan walba, maantana si fiican umaanu dheelin.” Ayuu yidhi Casemiro.

Laacibka reer Brazil waxa uu qiray in Betis ay ka fiicnayd guud ahaan intii ay ciyaartu socotay, waxaanu yidhi: “Haddii kooxda kaasoo horjeedaa tahay kooxda wanaagsan oo ahayd Betis, waa inaanu u hambalyeyno oo aanu shaqada sii wadno, sababtoo ah maanaan joogin heerkii aanu ahayn kulankayagii ugu dambeeyey.

“Umaanu ciyaarin sidii kulankii Barcelona, guul-darradana waxaanu ku waayi karnaa LaLiga, waase in aanu kulan ka kul uga fikirno.”

Real Madrid waxay Jimcaha soo aaddan garoonkeeda ku martigelin doontaa Eibar kaddibna waxay u safri doonaa England oo ay kula soo ciyaari doonto Manchester City lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, waxaana looga baahan yahay inay ugu yaraan laba gool oo nadiif ah kaga soo badiyaan si ay ugu gudbi karaan wareegga 8da.