Bruno Fernandes Oo Ugu Danbayntii Soo Afjaray Doodii Bilaha Taagnayd Ee Halyeyga Ay Isku Qaab Ciyaareedka Yihiin?

Bruno Fernandes Oo Ugu Danbayntii Soo Afjaray Doodii Bilaha Taagnayd Ee Halyeyga Ay Isku Qaab Ciyaareedka Yihiin?
Bruno Fernandes Oo Ugu Danbayntii Soo Afjaray Doodii Bilaha Taagnayd Ee Halyeyga Ay Isku Qaab Ciyaareedka Yihiin?

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa soo afjaray dooddii bilaha taaganyd ee ahayd halyeyga hore ee kooxdaasi ee ay isku qaab ciyaareedka yihiin taasi oo ugu dambayntii iskugu soo biyo shubatay Paul Scholes iyo Juan Sebastian Veron.

Fernandes oo bishii January ay £67.6 milyan kaga soo iibsatay Sporting Lisbon, waxa uu isbeddel ku sameeyey qaab ciyaareedkii kooxda muddada kooban ee uu joogay Old Trafford, isaga oo dhaliyey saddex gool, kuna lug yeeshay shan kale oo ay asxaabtiisu dhaliyeen.

Khubarada ciyaaraya ayaa ku kala qaybsamay xiddiga hore ee ay isku dhow yihiin ciyaar ahaan, waxaana dadka qaarkood ku tilmaameen inuu ku dhow yahay Paul Scholes, hase yeeshee goolasha uu dhalinayo ayaa keenay dood kale oo ah inuu halyeygaas hore kaga duwan yahay dhalinta goolasha.

Fernandes oo ka hadlayay telefishanka MUTV ee ay iska leedahay kooxda Manchester, ayaa ugu dambayntii dooddan kusoo afjaray qaab kaftan oo kale ah, waxaana uu yidhi: “Waxaanu helnay Juan Sebastian Veron oo cusub! Laakiin waxa loo baahan yahay in halkiisii la taagnaado.”

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha u suurtogeliyey inuu saldhigo Manchester United, waxaanu yidhi: “Waxa ugu muhiimsan ee iska cadi waa kalsoonida tababaraha. Waxaan u baahanahay inaan ogaado in macallinku i garab taagan yahay, sababtoo ah, marka aad kooxdaada beddesho, waxa dhacda in waqti kasta aanu tababaruhu ku doonayn.

“Kaliya umaan baahnayn in tababaruhu i doonayo, laakiin waxaan doonayay inaan dareemo kalsoonidiisa.”