Bruno Fernandes Marka Uu Soo Gaadho Garoonka Kooxda Manchester United Waa Kee Numberka Uu Xidhan Doono?

Bruno Fernandes Marka Uu Soo Gaadho Garoonka Kooxda Manchester United Waa Kee Numberka Uu Xidhan Doono?
Bruno Fernandes Marka Uu Soo Gaadho Garoonka Kooxda Manchester United Waa Kee Numberka Uu Xidhan Doono?

Kooxda Manchester United ayaa kalsooni buuxda ka qabta inay dhamaystiri doonto heshiiska kubbad-sameeyaha reer Portugal ee Bruno Fernandes oo la sheegay in kooxdiisa Sporting Lisbon ay ka heshiiyeen lacagta ay ku kala iibsanayaan.

Habeenkii xalay ayey United heshiis la gashay Sporting CP, waxaanay isla qaateen in Red Devils ay u shubto kooxda reer Portugal 55 milyan oo kaash ah iyo 10 milyan oo kale oo ku xidhnaan doona qaab ciyaareedkiisa.

Bruno Fernandes ayaa lagu wadaa inuu maanta tijaabada caafimaadka ku maro England kaddibna uu qalinka ku duugo heshiis afar sannadood iyo badh ah, iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in wax walba oo ku saabsan heshiiska laacibkan la dhamaystiri doono ka hor ciyaarta EFL Cup ee Manchester United ay martida ugu noqonayso kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man City fiidka dambe ee caawa.

Image result for Bruno Fernandes

Waqtiga ugu dambeeya ee saxeexa ay ku dhawaaqi karto Manchester United waa habeennimada Sabtidu soo gelayso oo uu xidhmi doono suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January, balse si ay u dejiso xumadda iyo cadhada taageereyaasha, Red Devills waxay rabtaa in natiijada kulanka caawa haddii ay guul-darraystaan ay hoos ugu dhigaan saxeexa Bruno Fernandes oo ay si adag uga shaqayn doonaan maanta, Haddaba lambarkee ayuu Bruno Fernandes u xidhan doonaa Manchester United marka uu soo gaadho Old Trafford?

Kooxdiisa hadda ee Sporting Lisbon wuxuu u xidhaa No.8 oo ah booska saxda ah ee uu ka ciyaaro oo uu kusoo dhaliyey 14 gool iyo 13 caawimood xili ciyaareedkan, laakiin lambarkan uu jecel yahay waxa hadda haysta Juan Mata.

Lambarka 7 ayaa waqtigan iska bannaan, waxaanu noqon karaa ciyaartoygii labaad ee reer Portugal ah ee xidha, iyadoo ay hore usoo qaateen xiddigaha Michael Owen, Antonio Valencia, Angel di Maria, Memphis Depay iyo Alexis Sanchex oo hadda amaah ku maqan laakiin xagaaga kusoo waajahan Old Trafford, isla markaana doonaya inuu dib u helo oo aan cidna laga siinin.

Image result for Bruno Fernandes

11: Waxa hore usoo xidhay Anthony Martial oo uga wareegay No.9 horraantii xili ciyaareedkan markii uu Romelu Lukaku ka tegay Old Trafford, hase yeeshee halyeygii ugu caansanaa ee inta badan ay taageereyaashu ku xasuustaan wuxuu ahaa Ryan Giggs oo uu kasii dhaxlay Adnan Januzaj.

12: Waxa iska lahaa Chris Smalling oo amaah ugu maqan Roma, hase yeeshee  intii uu laacibkaasi kasii maqnaa kooxda wuu iska bannaanaa No.12. Hore waxa usoo xidhay halyeygii Phil Neville oo ka mid ahaa xiddigihii 1999-kii saddexleyda koobabka ah qaaday. Waxa kale oo xidhay David Bellion.

18: Usbuucii hore ayuu bannaanaaday markii uu kabtankii kooxda ee Ashley Young ka tegay Manchester United oo uu ku biiray Inter Milan. Hore waxa u xidhan jiray oo lagu xasuustaa halyeygii Paul Scholes oo sannado badan ahaa tiir dhexaad guulo badan gaadhsiiyey United.

Image result for Bruno Fernandes

19: Markii uu Rashford uga wareegay No.10, waxa uu lambarkani noqday mid bannaan, laakiin waxa hore usoo xidhay laacibiinta James Wilson iyo Danny Welbeck waqtiyadii ay Old Trafford joogeen.

25: Fernandes waxa uu lambarkan u xidhan jiray xulka qaranka Portugal ka hor intii aanu uga wareegin No.16. Manchester United waxa usoo xidhay Antonio Valencia iyo sidoo kale Nick Powell.

27: Marouane Fellaini, Federico Macheda iyo Mikael Silvestre ayaa xidhan jiray, laakiin dhowaanahan wuu iska bannaanaa.