Home Serie A

Blaise Matuidi Oo Mar Kale Laga Helay Caabuqa Xanuunka Coronavirus Waxaanu Hore u Noqday Ciyaartoygii Labaad Ee Kooxda Juvuntus?

Blaise Matuidi Oo Mar Kale Laga Helay Caabuqa Xanuunka Coronavirus Waxaanu Hore u Noqday Ciyaartoygii Labaad Ee Kooxda Juvuntus?
Blaise Matuidi Oo Mar Kale Laga Helay Caabuqa Xanuunka Coronavirus Waxaanu Hore u Noqday Ciyaartoygii Labaad Ee Kooxda Juvuntus?

Khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Blaise Matuidi oo markale laga qaaday tijaabo caafimaad oo ku aadan caabuqa Corona ayaa helay natiijo aan aad uga farxin walow horeba looga helay caabuqaas.

Matuidi ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee Juventus ah ee laga helay xanuunkaas kaddib daafaca dhexe ee Daniele Rugani isagoo mudo laba toddobaad ah dadka ka soocnaa walow uusan lahayn wax calaamado ah oo daran.

Marka laga yimaado inuu maalmihii sharcigu ahaa karantiil ku jiray, Matuidi oo aan lahayn wax calaamado ah ayuusan haddana wali Covid-19 jidhkiisa ka bixin sida uu sheegayo wargeyska AS.

Tijaabooyin cusub oo laga qaaday ayaa ahaa kuwo niyad jab ku riday Blaise waxaana loo sheegay inuu 14 maalmood oo kale sii karantiimaysnaan doono maadaama oo uu wali caabuqa qabo.

Coronavirus: Blaise Matuidi becomes second Juventus player to test ...

Sida ay shalay oo 1-dii April ahayd soo saareen maamulada horyaalka Serie A iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, Horyaalada iyo tartamada ayaa loo sheegay inay 3-da August tahay wakhtiga sida kama dambaysta ah loo soo af-meeri doono.

Dalka Talyaaniga ayaa ah mid isagu ka xaalad duwan guud ahaan dalalka kale ee qaarada Yurub iyo dunidaba waana meesha haatan ubucda u ah caabuqa Corona isla markaana kiisaska iyo dhimashada ugu badan laga xaqiijiyay.

Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in haddiiba horyaalka Serie A la kansalo loo caleemo saari karo kooxda hoggaaminaysa ee Juventus balse Juve ayaa lagu wadaa inay iska diido haddiiba aysan tartan dhab ah kooxaha kale ku kala baxayn.