Billy Gilmour Oo Soo Doortay Sadexda Ciyaartoy Ee uu u Yahay Daawadaha Isla Markaana Sheegay Inay Isku Qaab Ciyaareed Yihiin?

Billy Gilmour Oo Soo Doortay Sadexda Ciyaartoy Ee uu u Yahay Daawadaha Isla Markaana Sheegay Inay Isku Qaab Ciyaareed Yihiin?
Billy Gilmour Oo Soo Doortay Sadexda Ciyaartoy Ee uu u Yahay Daawadaha Isla Markaana Sheegay Inay Isku Qaab Ciyaareed Yihiin?

Da’yarka hibada wacan leh ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea Billy Gilmour ayaa shaaca ka qaaday saddex ciyaaryahan oo uu daawado isla markaana uu kaga daydo dhinaca kubadda cagta oo uu filayo inay isku qaab ciyaareed yihiin.

18 sano jirkan ayaa bandhigyo qaan gaadhnimo leh kusoo sameeyay khadka dhexe ee kooxda da’yarta u badan ee Frank Lampard iyadoo uu kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League ee uu Everton wajahay uu amaan ka helay kabtankii Man United ee Roy Keane oo hada Sky Sports ka shaqeeya.

Gilmour oo haatan u warramay Jamie Redknapp ayaa sheegay inuu si lamid ah da’yarta kale markii uu yaraa daawan jiray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo laakiin markii uu weynaaday uu darso ciyaarta Cesc Fabregas, Xavi Hernandez iyo Andres iniesta.

“Markii aan yaraa waxaan daawan jiray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, qofkasta wuu samayn jiray, laakiin markii aan bilaabay inaan ciyaartayda lafo-guro ee aan ka fikiray cida aan jeclaan lahaa inaan sidiidoo kale ku horumaro, waxaan in badan ahaa sida Andres Iniesta, Xavi, Cesc Fabregas, ciyaartoydaas ayay ahaayeen” Ayuu yidhi Billy.

“Waxay ahayd wax ku saabsan qaabka ay kubadda u baasaan, qaabka ay kubadda u helaan, waxkasta waxa uu ahaa, waxkasta way cadaayeen, Sergio Busquets sidoo kale (waan daawan jiray), marka aad Barcelona daawato ee aad si shaqsi ah u daawato Busquets, waxkasta isaga hareerihiisa ayay ka dhacayaan”

“Kuwaas ayaa ahaa nooca ciyaartoy ee aan daawan jiray, helista kubadda iyo inay arrimaha ka dhigaan kuwo dhacaya”

Kulankii Gilmour sida weyn dunidu uga heshay ayaa ahaa midkii ay Blues guusha 2-0-ka ah ka gaadheen Liverpool ee FA Cup-ka markaas oo uu dhibaato badan ku abuuray khadka dhexe ee Reds kuna guuleystay xiddigii garoonka.