Barca ayaa £ 20m Ku DoonaysaWillian

Barca ayaa  £ 20m Ku DoonaysaWillian

Xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu ku sii jeedo Spain

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay dalabkeedii ugu dambeeyay ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian bishaan, sida laga soo xigtay Sky Sports News.

Waxay sheegen in Barca ay diyaar u tahay inay bixiso 20 milyan ginni (€ 23m / $ 26m) 31 jirka inkastoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Willian ayaa u ciyaaray Chelsea 30 jeer tartamada oo dhan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay shan gool iyo shan caawin.