Aubameyang ayaa albabada furay kooxda Barcelona.

Aubameyang ayaa albabada furay kooxda Barcelona.
Aubameyang ayaa albabada furay kooxda Barcelona.

Kabtanka kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u furan inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona, ​​sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Weeraryahanka ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu si lama filaan ah uga tagayo Emirates Stadium xilli ciyaareedkaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuusan ku faraxsaneyn guul la’aan ay kooxdu caadaysatay arsenal ayaa haatan kaalinta 10aad kaga jirta Premier League, waxayna 37 dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyaasha Liverpool.

wargeeska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in kooxda heysata LaLiga la siiyay ogolaansho ah inay la soo wareegto weeraryahanka isla markaana heshiisku uu dhici karo inta ka hadhay bishan janaayo.