Antoine Griezmann Miyuu Ka Tagi Karaa Kooxdiisa Barcelona Ee Wakhtigan Mise?

Antoine Griezmann Miyuu Ka Tagi Karaa Kooxdiisa Barcelona Ee Wakhtigan Mise?
Antoine Griezmann Miyuu Ka Tagi Karaa Kooxdiisa Barcelona Ee Wakhtigan Mise?

Antoine Griezmann si buuxda ulama qabsanin Barcelona, waxaanu xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey u ahaa mid adag oo uu ku dhibaatooday inuu fahmo qaabka ay u shaqeeyaan xiddigaha khadka dhexe ee kooxda iyo kuwa garbaha ee sida magnetka kubaddoodu isku doonato, laakiin haddana qiimayntiisa guud may ahayn mid waxba kama jiraan ah.

Kaddib 120 milyan Euro oo ay kagala soo wareegtay  Atletico Madrid sagaal bilood ka hor, iyo qandaraaska uu saxeexay oo soconaya illaa 2024, way adag tahay in lagu degdego ama qiimaynta mustaqbalkiisa lagu xidho muddadadaas kooban ee tijaabada ah wixii uu garoomada kusoo bandhigay.

Inkasta oo laba tababare oo isbeddelay ay xal u heli kari waayeen inay isbeddel ku sameeyaan qaab ciyaareedka Antoine Griezmann, haddana waxay eegi doonaan waqti kale oo fursad loo siin doono in la tijaabiyo haddii uu xili ciyaareedka soo socda si buuxda u saldhigi karo oo uu la qabsan karo naadiga.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Barcelona waxay go’aan ku gaadhay in haba-yaraatee aanu Griezmann qayb ka noqonin heshiis isdhaafsi ciyaartoy gaar ahaan Neymar ama Lautaro Martinez oo la sheegayo in kooxdu ay xagaaga ka shaqayn doonto sidii ay u keeni lahayd Camp Nou.

Sidoo kale, Barcelona iskuma dayi doonto inay iibiso, sababtoo ah, dhibaatada uu dhaqaalaha dunida iyo kooxahaba u geystay xanuunka Coronavirus, waxay keenaysaa inay hoos u dhacaan laacibiinta la iibsanayo, haddii go’aanka iibkiisa ay qaataanna ay ku geli doonaan khasaare iyo hoos-dhac aad uga hooseeyaa qiimihii ay kusoo iibsadeen sagaal bilood ka hor.

Si kastaba, Antoine Griezmann waxa diiwaankiisa Barcelona ugu jira 14 gool oo uu dhaliyey horyaalka xili ciyaareedkan hakadka ku jira oo uu dheelay 27 kulan.