Andreas Pereira Oo Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Man United Ayaa Sheegay In Xili Ciyaareedkan La Soo Gaba Gabeeyo?

Andreas Pereira Oo Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Man United Ayaa Sheegay In Xili Ciyaareedkan La Soo Gaba Gabeeyo?
MANCHESTER, ENGLAND - DECEMBER 12: Andreas Pereira of Manchester United during the UEFA Europa League group L match between Manchester United and AZ Alkmaar at Old Trafford on December 12, 2019 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

Khadka dhexe ee kooxda man United ee Andreas Pereira ayaa banaanka soo dhigay rabitaankiisa ah in xilli ciyaareedkan 2019-20 si buuxda loo dhammaystiro xataa haddii ay ku qaadanayo in maalinkasta la ciyaaro toddobaadkii.

Caabuqa dunida sida ba’an u saameeyay ee Coronavirus ayaa ku sababay horyaaladii waaweynaa iyo guud ahaan kubaddii cagtaba in mudo la joojiyo ilaa inta xaaladu sidan ka fiicnaanayso.

Ka dib hakadka yimid Jamaahiirta iyo shaqsiyaadka ku lug leh kubadda cagta ayaa qaba aragtiyo kala duwan iyadoo qaarkood ku doodayaan in waxkasta halkaas lagu joojiyo halka ay kuwo kale doonayaan in si ay ahaataba xilli ciyaareedka la dhammaystiro.

Haddaba, Kubad sameeyaha ree Brazil oo waraysi siiyay ESPN ayaa sheegay in waxkasta uu ka muhiimsan yahay caafimaadka dadku laakiinse rabitaankiisu yahay in la dhammaystiro xilli ciyaareedkan haddii ay ku qaadanayo xataa in la ciyaaro 24 saac oo kasta hal mar.

“Aniga ahaan waxaan doonayaa in xilli ciyaareedka la dhammaystiro sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, Waan fahmayaa waa wakhti adag haatan, Caafimaadka dadkuna uu in badan ka muhiimsan yahay” Ayuu yidhi Pereira.

“Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan dhammaystiro xilli ciyaareedka Xataa haddii ay la micno tahay toddobaad gudihii in kulan la ciyaaro maalinkasta, Waxaan doonayaa inaan dhammaystiro xilli ciyaareedka Waxay noqon doontaa dareen xun haddii ay noqoto inaynu waxba kama jiraan ka dhigno xilli ciyaareedka”.