Alle Ha u Naxariisto Ciyaartoygii Caanka Ku Ahaa Naanaysta Maliku Al-kurra Oo Ku Geeriyooday Magaalada Cadan?

Alle Ha u Naxariisto Ciyaartoygii Caanka Ku Ahaa Naanaysta Maliku Al-kurra Oo Ku Geeriyooday Magaalada Cadan?
Alle Ha u Naxariisto Ciyaartoygii Caanka Ku Ahaa Naanaysta Maliku Al-kurra Oo Ku Geeriyooday Magaalada Cadan?

Alle Ha u Naxariistee Waxaa Magaalada Cadan Wadanka Yeman Ku Geeriyooday Ciyaartoygii Cajiibka Ahaa Ee Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale Oo Caan Ku Ahaa Naanaysta Maliku Al-kurra.

Kooxdii Horseed Ee Sanadkii 1980kii Miilaadiga.

Siciid Ducaale Wuxuu Intii Aanu Ku Ka Mid Noqon Kooxda Horseed Wuxuu u Soo Ciyaaray Kooxda Ciidanka Booliska Markii Danbe La Isku Daray Kooxihii Labada Ciidamadood Ee Booliska Iyo Xooga Loona Bixiyey Kooxda Horseed Oo Lagu Naanayso Kooxda Cawo Iyo Maalin.

Marxuum Siciid Ducaale Ayaa Marka uu Garoonka Soo Galo Wuxuu Caan Ku Ahaa Magaca Ay Shacabku Ku Dhawaaqi Jireen Ee Maliku Al-kurra Waxaana Uu Ka Mid Ahaa Ciyaartoydii Ku Kaliyeysatay Habkii Loo Yaqaanay Jariinka Waxaana Kooxda Horseed Ka Ciyaari Jiray Dhanka Weerarka Waxaana uu La Qaaday Horyaalo Iyo Koobab Fara Badan.

Koobabka Sida Weyn Loogu Xasuusan Doono Waxaa Ka Mid Ahaa Koobkii Bariga Iyo Bartamaha Afrika Xili Kooxihii Dhibsaday Kubadiisa Ay Ka Mid Ahaayeen Labada Kooxood Ee Kiiniya Ka Dhisnaa Lana Odhan Jiray Abaluya Iyo Gurmahiya.

Kooxdii La Odhan Jiray Zamaalik Ee Ka Dhisan Wadanka Masar Ayaa uu u Soo Ciyaaray Siciid Ducaale Xili Mudo Gaaban u Ciyaaray Kooxdaasi Waxaana uu Uga Wareegay Kooxdii Al-Wixda Oo Ka Dhisnayd Dalka Imaaraadka Waxaana Uu Ku Danbeeyey Kooxdii Al-Telaal Ee Wadanka Yaman Ka Dhisnayd Xili Kooxdaasina uu La Qaaday Koobab Iyo Horyaalo Dhinaca Koonfureed Ee Wadankaasi Yeman Xili Uu Ka Mid Noqday Xulkii Yemanta Koonfureed Oo Markii Danbe Uu Ka Fadhiistay Ciyaaraha.

Intii Uu Ka Fadhiistay Kubada Cagta Waxaa uu Macalin u Soo Noqday Kooxdii uu u Soo Ciyaaray Ee Al-Telaal Kana Mid Ahayd Kooxaha Ugu Faca Weyn Ee Dalka Yeman Xili Kooxdaasi La Aas-Aasay Sanadkii 1905 Ee Miilaadiga.

Alle Ha u Naxariistee Siciid Ducaale Wakhtigii uu u Ciyaari Jiray Kooxda Horseed Wuxuu Caan Ku Ahaa Degenaan, Dabeecad Wanaagsan Iyo Farsamo Kubadeed Oo Aad u Saraysay Wakhtigiisii.

Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Wuxuu Ahaa Bukaan Jiif Waxaana uu ku Noolaa Kuna Geeriyooday Magaalada Cadan Ee Wadanka Yaman Oo Wakhtigiisii Ugu Badnaa Uu Ku Noolaa Marxuum Siciid Ducaale Alle Ha u Raxmadee Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajucuun.

Alle Ha u Naxariisto Marxuum Siciid Ducaale Halgamaa Kubada Cagta Soomaaliya Oo Ka Baxay Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajucuun Dhamaan Bahda Malcab Oo Isku Duuban Waxay Dhanbaal Tacsi ah u Diraysaa Qoyskii, Eheladii Iyo Bahdii Ciyaaraha Soomaaliya Geerida Ku Timid Marxuum Siciid Ducaale.

09-Shabcaan-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.